Kismaayo (QoryaaleNews)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada nabad sugida Jubbaland ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.
Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen waxyaabo qarxa iyo sidoo kale rag ka tirsan Al-Shabaab.
War ka soo soo baxay taliska nabad sugida ee dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen bambaanooyin iyo miino.
“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan aaga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.
Sidoo kale taliska ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Yoontoy ee gobolka Jubbada Hoose.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.