Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay Kismaayo

0
384

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo shacab, kadib qarax xalay ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Qarax oo ahaa nooca Bambka ee gacanta lagu tuuro ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taalla gudaha magaaladaasi.

Dadka ay dhaawacyadu soo gaareen oo qaarkood ay ku jiraan kuwa halis ah ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Kismaayo oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedyada Jubbaland, balse si caadada ah waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey weerarkaasi loo adeegsaday ee bambada.

Ad by Valueimpression

Xaaladda ayaa saaka degan, basle ciidamada ammaanka ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi.

Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee dalla, balse mararka qaar waxaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here