Dab Xooggan Oo Ka Kacay Buurta Garba Diir Oo Ku Taalla Gobolka Saaxil Oo Ku⁷ Fiday 20 km Oo Degaankaas Ah

0
769

Buurta Garba Diir oo ka mid ah Buuraha Sil silada Gollis ee ku teedsan gobolka Saaxil, gaar ahaana degaanka Laasa Dacawo ayaa dab xoog lihi ka kacay.

Buurtan oo masaafo ahaan ilaa 10 km u jirta dhul beereedka degaanka Laasa Dacawo, dhinaca galbeedna kaga beegan ayaa dabkani ka kacay, waxaana dabkan la sheegay in ay sababeen dabaylaha xoogan ee Xagaaga oo in dabkani ku faafo degaankas, iyada oo dabkani gaadhey ku dhowaan ilaa 20 km, sida uu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Weriyaha uga soo warama gobolka Saaxil u sheegay Guddoomiyaha degmada Laasdawaco Axmed Aadan Col-ujoog.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in aan ilaa hadda la garanayn waxa uu dabkaasi ka dhashay, marka laga yimaado dabaylaha xagaaga ee ku fidiyey goobaha uu gaadhey dabkaasi.

Dabkan oo lala tacaalaayey bakhtiintiisa muddo 12 saacadood ah ayuu Guddoomiyuhu sheegay in ay qayb lixaadleh ka qaateen Ciidamada Booliska Somaliland ee degmadaasi iyo dadka deegaankaasi, waxaanu tilmaamay guddoomiyuhu in xalay saqdii dhexe lagu guulaystay in dabkaas la bakhtiiyo.

Waxa uu Cadeeyey Guddoomiyaha Degaanka Laasadacawo in aanay jirin wax khasaare naf iyo maal ah oo uu dabkaasi geystay intii uu socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here