Nin laga raaligaliyay cunsurinimo lagu sameeyay 40 sano ka hor

0
400

Maamulaha Koleejka Eton ee ku yaalla dalka UK ayaa BBC u sheegay in uu “si aad ah uga argagaxay ” cunsuriyadda iyo faquuqii uu la kulmay qofkii ugu horeeyay ee madow ah ee Kuleejkaasi ku soo biira.

Qoraaga reer Nigeria Dillibe Onyeama ayaa ka qalinjabiyay kuleejka Eton sanaddii 1969.

Waxaa uu qoray buug ka hadlaya takoorkii iyo cunsuriyayntii lagula kacay intii uu Kuleejkan dhiganayay ismarkana waxaa xitaa laga mamnuucay in uu soo booqdo.

Maamulaha Kuleejkaasi Simon Henderson ayaa yiri “waxaan qaadnay tallaabooyiin wax ku ool ah tan iyo xilligaasi “.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan “waxyaabo badan oo ay tahay in wax laga qabto”.

Kuleejkan Eton ayaa leh sumcad aad u sareysa iyada o ay ka so baxeen qaar ka mid ah bulshada dabaqadooda ay sareyso oo uu ka mid yahya, rai’sul wasaare Boris Johnson, oo isagu noqday rai’sul wasaarihii 20 ee ka so baxa Kuleejkaasi.

“Waxaan sameynay tallaabooyiin muhiim ah tan iyo intii ay soo shaac baxday arrinta Onyeama uu kala kulmay kuleejka,” waxaa sidaasi BBC u sheegay maamulaha kolajkan Mr Henderson.

Iyada oo malaayiin qof oo caalamka ku nool ay muujinayaan codkooda ay uga soo horjeedaan cunsuriyadda, midibtakoorka iyo sinaan la’aanta waa in aan qirnaa in wali ay jiraan wax badan oo wax ka qabasho u baahan,” ayuu intaa ku daray.

Dillibe Onyeama

Muxuu Onyeama sheegay?

Onyeama ayaa BBC u sheegay in raaligalin la siiyo aysan badalayn fikirka uu ka aaminsan yahay Kuleejka Eton, oo si guud u ah mid wanaagsan.

Balse waxaa uu intaa ku daray in raaligalintan ay tahay”mid lagu qirayo in sinaan la,aan ku saabsan dhanka midibka ay halkaasi ka jirto taasi oo niyadda ka dilaysa qofka dhibanaha u ah “. ayuu yiri Mr Onyeama

Waxaa la waydiiyay sida su’aalaha “maxaad madow u tahay?”, “imisa Tixiri ayaa timaha kaaga jira? ” hooyadaa ma lafo ayay sanka ku xirataa?”

Waxaa lagu eedeeyay in uu qish sameeyay

Marka uu Onyeama kuleejka buundo wanaagsan ka keeni waayo ama uu ku fiicnaado dhanka ciyaaraha waxaa taasi loo aaneyn jiray jinsiyadiisa iyo midibkiisa.

Markii uu kuleejka ka helay darajada seven O-level, iskuulka dhan ayaa la yaabay.

“‘Waxaad ii sheegtaa Onyeama, sidee buundadan ku keentay?’ marar badan ayaa la i waydiiyay,” waxaa uu sidaa ku qoray buugiisa. “‘waad qishtay, miyaysan ahayn?'”

Markii uu kuleejka ka tagay, waxaa uu wax ka qoray waxyaabihii uu la kulmay, sanaddii 1972 waxaa uu helay warqad looga mamnuucayo inuu booqdo Kuleejka Eton.

Kuleejka Eton waxaa asaasay boqor Henry VI sanaddii 1440 islamarkana waxaa uu sumcad wayn ka leeyahay guud ahaan caalamka, waxaa uuna ku caan-baxay bixinta waxbarasho heerkeedu sareeyo.

Waxaa imika ardada sanadkii ay ku dhigtaan lacag dhan ($50,000).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here