Maxay tahay sababta meydadkan loo soo qufayaa?

0
351

19 qof oo ah dhibbanayaashii 1989-kii duullaanka Mareykanka uu ku qaaday Panama ayaa laga soo qufay qabuuraha taas oo qayb ka ah baadhitaan rasmi ah oo ku saabsan hawlgalkaas.

Qiyaastii 500 oo reer Panamani ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen duullaankaas, laakiin kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in tirada dhabta ahi ay intaas ka badan tahay.

Meydadka 19 dhibanayaasha ah ayaa markii hore lagu aasay qabri-wadareed laakiin markii dambe waxaa loo beddelay qabuuraha Jardín de Paz ee Panama City, iyaga iyo daraasiin kale.

Meydadka qaar wali lama aqoonsan cidda ay yihiin.

Ehelka qaraabada ayaa sheegaya in dhammaan dhibbanayaashu dagaalkaas ay tahay in la garto, si qoysaskoodu ay meel ugu ogaadaan.

 

Trinidad Ayola, oo ah gudoomiyaha urur ka shaqaynayey sidii loo ogaan lahaa dhibbanayaasha qoyskooda ayaa sheegay “Inay hawshan ka shaqaynayeen 30 sano si ay qoysasku u helaan degannaan nafsiyeed”

Dowladda Juan Carlos Varela ayaa dhistay guddi baadha tirada dhimashada. Wariyeyaasha ka hawlgala dalkaas ayaa iyana sheegaya in duulaankaasi uu wali u yahay xilli adag oo noloshooda soo maray dad badan oo reer Panama ah, waxaana jiray baaqyo ah in 20-ka Diseembar ay noqoto maalin rasmi ah oo baroordiiq ah.

File image of US troops in Panama in 1989

Duullaankaasi wuxuu dhacay 20-kii Diseembar 1989 ka dib markii xidhiidhkii u dhaxeeyey dawladda Maraykanka iyo hogaamiyaha Panama General Manuel Noriega uu aad u xumaaday..

Kadib Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaas George H W Bush ayaa amray tallaabo militari si “loo ilaaliyo nolosha muwaadiniinta Mareykanka” loona keeno Noriega “cadaaladda”.

General Noriega ayaa la xidhay labo todobaad kadib. Waxaa loo geeyay Mareykanka halkaas oo lagu xukumay xabsi yadoo lagu eedeeyey daroogo gudbin iyo isdbamarin lacageed.

Noriega wuxuu ku qaatay noloshiisa inta ka hartay oo xabsiga – marka hore Mareykanka, kadibna Faransiiska iyo ugu dambeyntiina xabsi guri ku yaal Panama. Wuxuu dhintay sanadkii 2017, isaga oo da’diisu ahayd 83 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here