“Waxa Loo Baahan Yahay In Mashaariicaha Horumarineed Si Caddaalad Ah Gobollada Dalka Looga Wada Fuliyo..”

0
380

 Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda Deegaanada Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay xaaladda Gobolkiisa, waxaanu tilmaamay inuu Gobolkani u baahan yahay in laga fuliyo mashaariic horumarineed iyo in sare loo soo kiciyo waxna laga qabto adeegyada aasaasiga ah.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiiski ku bilaabay ‘Gobolka Sanaag oo runtii ah Gobolka aan ka soo jeedo, waa Gobolka ugu balaadhan uguna baaxada weyn, xaaladihii, xiisadihii, iyo dhibaatooyinkii ka jiray hadda kama jiraan, xaaladda Gobolkuna hadda aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, markaas Gobolka Sanaag, wuxuu u baahan yahay in hoos loo eego, wax badan oo ka dhimana loo qabto, mashaariicaha horumarineed  in si caddaalad iyo xaqsoor ah in Gobollada dalka looga wada fuliyo ayaa loo baahan yahay, oo waliba Gobollada iyo Deeganadu sida u kala baahi badan yihiin  looga fuliyo ayaa habboon, ta kale Gobolka Sanaag si gaar ah looga fuliyo weeyaan, gaar ahaan in adeegyada aasaasiga ah ee weliba daruuriga sii ah in wax laga qabto oo sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto weeyaan, sida Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka”.

Mar uu ka hadlaayey wada-hadallada ayaa yidhi “Somaliland iyada ayaa xoriyadda ka hor qaadatay Soomaaliya, iyadaana Dawladnimada uga horeeysay, Soomaaliyana Somaliland la’aanteeda waxba may noqoteen. Khudbaddii uu Madaxweynuhu soo jeediyey aad baan ugu mahadnaqayaa, waxayna ahayd khudbad qiimaheeda leh, qaabka ay wada-hadalladu ku furmeena waan soo dhaweeynayaa, labada dalna waxaa habboon in mar walba ahaadan laba dal oo jaar ah”.

Dhanka kale, wuxuu  Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo oo Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogana noqdaan Shacab isku duuban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here