Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag.
Tiro madaagiic hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka saldhigga, waxaana Ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic culus oo laga maqlayay xaafadaha magaalada Beledweyne.
Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, waxaana weerarka uu dhacay xilli habeen ah, ayna adag tahay faah faahin in laga helo.
Ciidamada Jabuuti ayaa saaka howlgalo ka wada deegaanada dhanka koofureed ka xiga Beledweyne oo ahaa dhanka madaafiicda laga soo riday
Al-Shabaab ayaa saldhig ku leh deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii Beledweyne u jirta illaa 20KM u jirta.