Wejiga 1aad Ee Balaadhint Dekedda Berbera Oo Gebo-Gebo Ku Dhow

0
397

Safiir-kuxigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in badhtamaha sannadka dambe si buuxda loo dhammaystiri doono balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera.

Danjire Kaariye, oo u waramay warbaahinta dawladda Itoobiya ee The Ethiopian Herald, wuxuu sheegay in dekedda cusubi xoojin doonto xidhiidhka dalalka Itoobiya iyo Somaliland islamarkaana ka qayb qaadan doonto shaqo abuurka dhallinyarada. “Wejiga hore ee balaadhinta dekedda Berbera waxa la dhammays tiri doonaa sannadkan.” Ayuu yidhi Barkhad oo intaas raaciyay “Guud ahaan mashruucana waxa la dhammayn doonaa dhammaadka sannadka dambe, isla wakhtigaasna shaqada ayuu bilaabi doonaa.” Ayuu yidhi safiir-ku-xigeenka Somaliland ee Addis Ababa.

Isagoo ka hadlaya maalgashiga dekedda Berbera ee ay ku bahoobeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world, wuxuu yidhi “Heshiiska maalgashi ee saddex geesoodka ee dekedda Berbera, Itoobiya waxay leedahay 19%, DP world waxay leedahay 51%, halka ay Somaliland leedahay 30%.”

Danjire Barkhad, wuxuu sheegay in mashruucan balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera uu dhallinyarada u samayn doono shaqo abuur balaadhan, “Wuxuu shaqo abuur u abuuri doonaa dhallinyarada labada wadan, 62% ka mid ah wejiga koowaadna hadda waa la dhammaystiray.”, wuxuuna xusay in dekeda Berbera hoy u noqon doonto maraakiibta iskaga goosha dunida oo ay sidoo kalena kobcin doono is dhex galka dhaqaale ee gobalak Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here