Somaliland: Shirkadaha Shidaalka Ee Haysta Liisamada Ganacsiga Oo Laga Dalbaday Inay Shixnad Kasta Ogolaansho U Qaataan

0
328

Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u dirtay Ganacsatada Shidaalka ee Dalka keena Shidaalka isla-markaana ku shubta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa canaan loogu jeediyey Ganacsatada Shidaalka oo lagu eedeeyay inay si qaab-darro ah oo aan wanaagsanayn Shidaalka ugu kaydsadaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo kuwa Shirkadda Dahabshiil, sidaasi darteed hadda ka dib Shidaal kasta oo dalka la keenayo loo qaadan doono Warqad ogolaansho ah, inkasta oo Shirkadaha Shidaalku haystaan Liisanka Ganacsiga shidaalka.

Wareegtada Wasiirka oo dhamaystiran ayaa u qornayd “Markaanu aragtay sida Qaab-darrada ah ee Haamaha Shidaalka loo isticmaalayo.

Markay soo noqnoqotay in la baal-marayo awaamiirta ay soo jeediso Wasaaraddu la iskana keeno shidaal, dabadeedna la isku soo fadhiisto Saxaafadda, laga bilaabo Maanta wax shidaal ah oo aan loo haysan warqad ogolaansho ah lama soo galin karo dalka, wax tanaasulaad ah oo dib u dhici doonaana ma jiri doono.

Waxa jira in si qaab-darro ah loo soo buuxiyey Haamaha Shidaalka Dawladda ee BOT iyo Haamaha Dahabshiil Group, shidaalkaasi oo dhowrka bilood ee soo socda ku filaan kara Qaranka Somaliland.

Waxa kale oo aanu ogaanay in Shidaalka lagu soo iibsado Magaca Berbera, iyadoo loo duwayo meelo xaasaasiya, taasina waxay wax yeelaysaa Cilaaqaadka waddanka Somaliland iyo Dawladaha kale, Ciddii lagu qabto Ganacsiga noocaas ah, waxa lagala noqonayaa liisanka soo dejinta shidaalka..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here