George Floyd: Al-Qaacidda kaalin intee la’eg ayay ku leedahay dibadbaxyada Mareykanka?

0
277

Al-Qaacidda ayaa isku dayaysa iney ka faa’iideysato xasilooni darrada ka aloosan dalkaasi Mareykanka oo waxay isku dayaysaa iney xiriir la sameeyso Muslimiinta iyo Masiixiyiinta dalkaasi.

Xaaladdaan ugu dambeysay ayaa isoo ifbaxday kaddib markii jaraa’id lagu magacaabo One Ummah oo uu ururka Al-Qaacidda leeyahay lagu daabacay sawir muujinaya daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha George Floyd. Jaraa’idka ayaa sidoo kale lagu daabacay sawir gacmeed muujinaya taageerada kooxda ee dibadbaxayaasha ku sugan waddooyinka.

Warbixinta oo lagu daabacay luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa si cad loogu talagalay taageerayaasha ururka ee ku sugan Mareykanka.

”Dibadbaxyo rabshada wata ayaa hareeyay guud ahaan Mareykanka, waxayna u muuqataa in dagaal sokeeye uu qarka u saaran yahay” xitaa Dimuqraadiyiinta idin ma caawin karaan balse inaga waan idin caawin karnaa.” Waa qaar ka mid ah warbixinta Al-qaacidda ee jaraa’idka lagu daabacay.

Mina Al-Lami oo ka hawl-gasha BBC Monitoring ayaa sheegeysa iney jiraan farqi u dhaxeeya Al-qaacidda iyo kooxda uu xifaaltanka ka dhaxeeyo ee ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka.

“IS aad ayay ugu faraxday oo waa ay ku raaxeysanaysaa dhibaatada Mareykanka waxayna saadaalineysaa in dhibaatada ay ku baahi doonto dalal kale, halka galaangalka Al-Qaaciidda ee Marekankana uu aad sarreyo oo waxay xitaa isku dayaysaa in dibadbaxayaasha Mareykanka ay ka dhaadhiciso fikirkeeda Islaamiga ah, ayay tiri.

Falanqeeye-heena ayaa sheegaya in warbixintaasi lagu daabacay jaraa’idka uu qoray qof aqoon dheer u leh Mareykanka, aadna ula socda xaaladda ka aloosan Mareykanka.

Isku deyga dib usoo noolaanshiyaha Al-Qaacidda

Al-Qaacidda waxaa sannadadii ugu dambeeyay daboolay dhaq-dhaqaayada ururka Daacish, balse Dr Shiraz Maher oo ka hawl gala Machadka Cilmi Baaritsa ee Kings ee ku yaalla magaalada London, waxa uu aaminsan yahay in Al-qaacidda ay weli galaangal ku leedahay masraxa dunida.

“Dibadbaxyada ka socda Mareykanka ee looga soo horjeedo cunsuriyadda, ayaa waxaa uu ururka raadinaya inuu ka helo meel banaan oo uu ka galo,” ayuu yiri Dr Maher.

Al-Qaacidda, oo uu madax u ahaa Osama Bin Laden ayaa waxay Mareykanka ku qaadday weerarkii ugu khasaaraha badnaa abid bishii sebteembar ee sannadkii 2001-dii. Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna ururka waxa uu dunida ka bilaabay dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Inkastoo uu ururka qaado weerarro aan badnayd hadana waxa uu ku guul-dareystay inuu taageero ka helo bulshada reer Mareykan.

Muddo bilooyin ah sirdoonnada waaweyn ee reer Galbeedka ayaa ka digayay in Al-qaaciida aysan weli dhammaan, oo ay sugeeyso fursado wanaagsan oo ay hawleheeda ku fuliso.

Caqabadaha sirdoonka reer Galbeedka

Haatan ururka Jihaad-doonka ah waxa uu isku dayayaa inuu ka faa’iideysto dibadbaxayada ka dhanka ah midab-takoorka iyo tacaddiyada booliska ee dalka Mareykanka isagoo mudaaharaadayasha ku boorrinaya iney sameeyaan ficillo khalalaase xambaarsan.

faro-gelintooda haddii aanan la ogaan, waxay u badantahay in dibad-baxayaashu ay aad usoo dhaweynaan.

Osama Bin Laden

Al-Qaaciidda, weerarkii 2001-dii waxay Mareykanka ku dishay ku dhawaad 3,000 oo qof, waxayna wacad ku martay in sii wadi doonta bartilmaameedkeeda Mareykanka.

Marka sidaa darteed sidee ayay arrintani u arkaan saraakiisha la dagaallanka argagixisada? Dr Shiraz Maher oo muddo 20 sannadood ah daraaseynayay kooxda iyo fikradaha ay aaminsan yihiin, ayaa aaminsan in tani ay fursad wanaagsan oo ay kaga faa’iideysan karto u tahay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here