Khilaaf Baajin Kara Wada-Hadalladii La Doonayey Inay Dib U Bilaabmaan Oo Ka Dhex Qarxay Somaliland Iyo Soomaaliya

0
535

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Axmed Ciise Cawed ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-carabiya oo Salaasadii Shalay la baahiyey eedaymo ugu jeediyey Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World oo Gacanta ku haysa Maal-gelin ay ku samaynayso Dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasiir Cawed wuxuu DP Word ku eedeeyay inay Soomaaliya ku hayso Faro-gelin iyo Iska hor-keen.

Laakiin, War-saxaafadeed arrintaa daba socda oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in hadalka Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya uu yahay mid la isaga hor-keenayo Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika  ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xun tahay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada waddan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta.

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla-markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taasoo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan oo aan wax xidhiidh ah la  lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wada-hadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraaa ahayn maamul masuul ah, isla-markaana aannu daacad ka ahayn wada-hadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

Ugu dambeyn, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madax-bannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla-markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho-dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here