Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil: Dilka ninka Falastiiniga ah ee qabay xanuunka Autism-ka waa ‘musiibo’

0
335

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu dilka nin Falastiini ah oo la xanuunsanayay cudurka Austism-ka oo bishii la soo dhaafay uu dilay askari boolis Israa’iili ah ku tilmaamay inay “musiibo aheyd”.

Iyad Halaq, oo ahaa 32-jir, ayaa waxaa lagu dilay dhulka la haysto ee Bariga Qudus xilli uu 30-kii May u socday sikuul wax lagu baro dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Booliska ayaa sheegay in askartu ay Mr Halaq uga shakiyeen inuu hub watay markaana ay xabadda ku fureen markii uu u hogaansami waayay amarradii ahaa inuu istaago.

Waxaa markii dambe la ogaaday inuusan hubaysnayn.

Mr Netanyahu ayaan meel fagaare ah tan iyo dhawaan meel fagaare ah kaga hadlin dilka ninkaas.

Axaddii ayuu tacsi u diray qoyska ninkaas waxa uuna sheegay inuu filayo in baaritaan buuxo lagu sameeyo toogashadaas.

“Waxa ku dhacay Iyad Halaq waa musiibo,” ayuu yiri Mr Netanyahu bilowga mar uu furayay shirka golaha wasiirrada. “Ninkan jirkiisa iyo maskaxdiisu ma aanay dhammeystirnayn – waxaa hayay xanuunka austism-ka – waana laga shakiyay, waan ognahay in si khaldan loogu maleeyay inuu argagixiso yahay oo maraya goob xasaasi ah.”

Qareenka qoyska Halaq Jad Qadmani ayaa sheegay in “shakiga ficillada dambiga ee askarta uu sii kordhayo”, uuna rajaynayo “in dadkii mas’uulka ka ahaa baaritaanka ay howsha sii wadi doonaan askartana ay cadaaladda horkeeni doonaan”, ayaa laga soo xigtay wargeyska Israa’iil ee Haaretz.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa sare u sii kacayay weerrarada – kuwaas oo qaarkood ay dad badan ku dhinteen – kuwaas oo ay soo qaadayeen Falastiiniyiinta kuna beegsanayeen Israa’iiliiyinta ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Qudus, iyadoo dadka weerrarka soo qaadana ay toogasho ku dilayeen booliska.

Maxaa ku dhacay Iyad Halaq?

Sabtidii la soo dhaafay, Iyad Halaq waxa uu ka soo lugaynayay gurigiisa oo ku yaal xaafadda Wadi al-Joz ee Qudus waxa uuna ku socday magaalada qadiimiga ah si uu u tago xarun lagu xanaaneeyo dadka iyo carruurta naafada ah.

Bayaan ka soo baxay booliska Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidammadu “ay arkeen qof laga shakiyay oo wata walxo shaki dhalinkara oo u muuqanayay baskoolad”.

“Waxa ay ugu baaqeen inuu istaago kaddibna waa ay daba ordeen. Intii la is eryanayay, ayey askartu xabbad ku fureen ninka laga shakiyay, kaas oo khatartiisii meesha laga saaray,” ayaa lagu sheegay bayaanka. “Wax hub ah lagama helin goobta kaddib markii la baaray”.

Waxaa la helay Mr Halaq oo qaba xanuunka austism-ka oo xabadka ay laba xabbadood kaga taal.

Dr Hatem Awiwi oo ay ilma adeer yihiin Mr Halaq ayaa sheegay in uu ninkaasi hayay xanuunka austism-ka oo ay aad ugu adkeyd inuu dadka la hadlo. Waxa uu sheegay in Mr Halaq uusan ogayn waxa askari boolis ah uu yahay oo wuu iska baxsaday uun.

Sidee looga falceliyay dhimashadiisa?

Toogashada ayaa waxa ay kicisay caro, oo kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen aaska Mr Halaq, halka Falastiiniyiin badan iyo Israa’iiliyiinba ay waddooyinka isugu soo baxeen si ay uga mudaharadaan dhimashadiisa.

Dadka xuquuqda u ololaynayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin dilka George Floyd ee Mareykanka, taas oo uu ka dhashay dibadbaxyo ballaaran. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxa ay isticmaalayeen astaanta ah “Nafta dadka Falastiiniyiintu mance ayey leedahay” si ay u muujiyaan sida ay u caraysan yihiin.

Todobaadkii la soo dhaafay, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil iyo ninka sugaya xilka Ra’iisul Wasaaraha Benny Gantz ayaa sheegay in golaha wasiirrada “ay runtii ka xun yihiin dhacdada” dilka Mr Halaq.

Waxa ay imanaysaa xilli ay sare u sii kacayaan xiisadaha u dhaxeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta waxyar uun ka hor markii uu Mr Netanyahu ku dhawaaqay inuu ku fekarayo inuu xoog ku qabsado qeybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed arrintaas oo ay aad uga caroodeen Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here