George Floyd: Saddex arrimood oo sharraxaya carada ka taagan dalka Mareykanka

0
309

Qalalaase ayaa ka billowday magaalooyinka dalka Mareykanka kaddib markii uu George Floyd, oo African-American ah, ku geeriyooday gacanta booliska Minneapolis.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa wada mudaharaadyo rabshado la socdaan oo ay ku muujinayaan carada ay ka qabaan sida ay booliska dalkaas ula dhaqmaan dadka uu midabkoodu madowga yahay.

BBC-da ayaa dib u eegis ku sameysay xogta ku saabsan dambiyada ka dhaca Mareykanka iyo laamaha caddaaladda, sidoo kalena waxaan milicsaneynaa waxyaabaha ay dadka madow ee Mareykanka ah la kulmaan marka ay timaado dhinaca sharciga iyo kala dambeynta.

1. Mareykanka madow waxay u badan tahay in toogasho lagu dilo

Isbarbardhig ku saabsan toogashooyinka ay booliska sameeyaan iyo kuwa dadweynaha dhexdooda ka dhaca.

Dilalka loo geysto dadka Caddaanka ah ee Mareykanka:-

  • 60.4% waxay ka dhacaan bulshada dhexdeeda.
  • 36.8% waxaa geysta booliska

Dilalka loo geysto dadka Madowga ah ee Mareykanka:-

  • 13.4% waxay ka dhacaan bulshada dhexdeeda.
  • 23.4% waxaa geysta booliska.

Dilalka loo geysto dadka Hispanic-ga ah ee Mareykanka:-

  • 18.3% waxay ka dhacaan bulshada dhexdeeda.
  • 15.7% waxaa geysta booliska

Mudaharaadyo rabshado wata ayaa daba socday dilkii George Floyd

Xogtan waxaa laga soo xigtay waaxda tirakoobka iyo xogta dhacdooyinka ee dalka Mareykanka.

Macluumaadka la heli karo ee ku saabsan dhacdooyinka la xiriira toogashooyinka ay geystaan booliska waxay muujinayaan in dadka ugu badan ee gacanta ciidanka amniga ku dhinta ay yihiin kuwa madowga ah.

Waxay Mareykanka madow toogashada booliska uga badan yihiin bulshooyinka kale ee ay waddankaas iskula nool yihiin.

Sanadkii 2019-kii, inkastoo dadka madowga ah ay tirada shacabka Mareykanka ka noqdeen 14%(sida lagu muujiyay tirakoobkii rasmiga ahaa), haddana waxay 23% ka qaateen tirada toogashadii 1,000 ee ay sanadkaas booliska geysteen.

Tiradaas waxay joogto ahayd ilaa sanadkii 2017-kii, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay dhimashada dadka caddaanka ah ay hoos usii dhaceysay.

2. Mareykanka madow waxaa si ka badan bulshooyinka kale loogu bartilmaameedsada xarigga la xiriira isticmaalka daroogada

.

Dadka madow ee Mareykanka ah waxay xarig dheeraad ah kula kulmaan isticmaalka daroogada, inkastoo tirakoobyada ku saabsan xogtaas ay aad isugu dhow yihiin.

Sanadkii 2018-kii, qiyaastii 750 ka mid ah 100,000 oo kasta oo mareykanka madow ah waxaa loo xiray sababo la xiriira inay maandooriye isticmaalayeen.

Tiradaas waxay ka badan tahay marka la barbar dhigo mareykanka cad. 350 ka mid ah 100,000 oo kasta oo mareykanka cad ah ayaa isla sanadkaas loo xiray arrimo ku saabsan isticmaalka daroogada.

Daraasad hore oo lagu sameeyay xaddiga isticmaalka daroogada ee Mareykanka ayaa muujisay in si isku mid ah ay u isticmaalaan caddaanka iyo madowga, laakiin dadka madow ay la kulmaan xarigga ugu badan.

3. Dadka madowga ah ee lagu xukumo waxay ka badan yihiin bulshooyinka kale

.

Tirada dadka Mareykanka madow ah ee xabsiga lagu xukumo waxay shan jeer ku labanlaabmaan tirada dadka mareykanka cad ah ee xabsiga lagu xukumo.

Waxay xitaa ku dhawaad labojibbaar ku yihiin tirada dadka Hispanic-ga mareykanka ah ee xabsiga lagu xukumo, sida laga soo xigtay xog dhawaan lasoo saaray.

Sanadkii 2018-kii, Mareykanka madow waxay tirada guud ee shacabka dalkaas ka noqdeen 13%, laakiin waxay noqdeen saddex meelood meel ka mid ah maxaabiista Mareykanka.

Mareykanka cad waxay maxaabiista ka noqdeen 30%, iyagoo xitaa tirada shacabka guud ka ahaa 60%.

Taasi waxay ka dhigan tahay in 100,000 oo kasta oo ka mid ah maxaabiista Mareykanka ay in ka badan 1,000 yihiin dad madow ah. Dadka caddaanka ah ayaa 200 ka noqonaya 100,000 oo maxaabiis ah.

Maxaabiista Mareykanka ee laga hadlayo waa kuwa lagu xukumay wax ka badan 1 sano.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacday tirada dadka madowga ah ee xabsiyada loo diro, laakiin wali waxay ka badan yihiin dhammaan jinsiyadaha kale ee la xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here