George Floyd: Booqashadii Trump ee kaniisadda oo ka nixisay hoggaamiyeyaasha diimaha

0
313

Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John’s Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington.

Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin qaar ka mid ah wadaaddada, xilli uu waddanka Mareykanka dhib weyn kala kulmayo arrimaha la xiriira cudurka safmarka ah iyo dibadbaxyada siyaasadeed.

Mariann Budde, oo ka mid ah wadaad diimeedyada ayaa yiri: “Madaxweynuhu wuxuu iska isticmaalay kitaab, hadallada uu adeegsadayna ma aha kuwo uu fasax u heystay, taasina way naga yaabisay.”

James Martin, oo isagana ah baadari kale oo xiriir la leh Vatican-ka ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadallo uu ku dhaliilayo madaxweyne Trump.

“Aan wax kala caddeeyo. Kitaabku ma aha wax lagu gabbado. Kaniisaddu ma aha meel loogu talagalay in la isku sawiro. Diintu ma aha qalab loo adeegsado siyaasadda. Alle ma aha wax aad ciyaar ka dhiganeysid.” ayuu kusoo qorat Twitter-ka.

Presentational white space

Mr Trump si cad uma uusan sheegin sababta uu tallaabadaas u qaaday.

Laakiin faallooyin kala duwan ayaa laga bixinayaa xeeladdan uu adeegsaday ee ku saabsan dhinaca diinta.

Sanadkii 2016-kii, Mr Trump wuxuu ku guuleystay 81% ka mid ah codadka dadka caddaanka ah ee masiixiyiinta ah, gaar ahaan kuwa heysta mad-habta katoliga.

Markii la isbarbardhigo isaga iyo haweeneydii xilka madaxweynaha kula tartameysay, 60% ka mid ah dadkaas waxay u codeeyeen Trump, halka 37% kaliya ay codadkooda siiyeen Hillary Clinton.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Mareykanka muddo hal isbuuc ah gilgilayeen mudaharaadyo looga soo hor jeedo dilkii George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo 25-kii bishii lasoo dhaafay ku dhintay gacanta booliska.

Trump oo ku hanjabay inuu milatari u adeegsanayo soo afjaridda rabshadaha

.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay inuu howlgalin doono milatari kala eryi karo dadka uu sheegay inay xasiloonidarrada ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan.

Wuxuu Trump ku dhaliilay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada in ay ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “iney difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro howlgelinayo.

Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal dibadbaxayaal ah oo mudaharaad halkaasi ka waday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here