Coronavirus: Isbitaal ku yaalla Ruushka ayaa lagu karantiilay 700 oo qof oo uu haleelay fayraska Korona

0
597

Horraantii bishii April, qof bukaan ah oo ku jiray isbitaalka St Petersburg ee dalka Ruushka ayey ku dhacday burunkiito, oo ah xanuun sanbabbada ku waxyeelleeya. Laakiin Baaritaan lagu sameeyay qofkaas ayaa sidoo kale looga helay cudurka coronavirus, kaddibna waxay dowladda karantiil galisay guud ahaan isbitaalka oo dad badan ay ka buuxeen.

Dad ka badan 700 oo isugu jira xirfadlayaal caafimaad iyo bukaanno ayaa halkaas lagu go’doomiyay muddo 35 maalmood ah.

Karantiilkaasi ayaa la mid ahaa kii la geliyey markabkii dalxiiska ee “Diamond Princess”, kaasoo rakaabkii saarnaa ay maalmo ku xannibnaayeen xeebaha Japan kaddib markii iyagoo safar ku jira uu soo ifbaxay Covid-19. Markabkaasi ayaa markii dambe laga helay in ka badan 700 oo kiis, waxaana cudurka coronavirus ugu geeriyooday 9 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale.

Dadka intooda badan waxaa lagu karantiilay gudaha isbitaalka, taasoo sababtay inuu cudurka ku faafo isbitaalka oo dhan.

Ugu yaraan 2 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo 2 bukaan oo isbitaalka ku sugnaa ayaa cudurka u dhintay sida ay sheegeyso warbixin ka soo baxday mas’uuliyiinta isbitaalka St Petesburg, inkastoo warbixintaas oo dhammeystiran aan la shaacinin.

Warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan in shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanka isbitaalka ku sugnaa ay sheekooyinkooda ku faafiyeen baraha bulshada.

BBC News Russia ayaa la hadashay labo ka mid ah bukaannada isbitaalkaasi ku jiray.

Sawir muujinaya Isbitaalka Vreden oo ka mid yahay isbitaallada ugu qadiimsan

Isbitaalkan oo ay maamusho xarunta qaran ee Verden wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qadiimisan ee ku yaalla waddanka Ruushka, waxaana la aasaasay sanadkii 1906.

Waxaa lagu daweeyaa dadka ay ku dhacaan cudurrada maskaxda, sanbabbada iyo lafaha.

Bukaannada isbitaalkaasi la geeyo waxaa laga soo gubiyaa dalka oo dhan. aarkood waxay sugaan bilo qaarkoodna sanooyin ayey ku qaadataa si ay ula kulmaan dhakhaatiirta takhasuska gaarka ah leh ee isbitaalka Verden ka shaqeysa.

Xilliga isbitaalka uu xaqiijiyey kiiski ugu horreeyey ee coronavirus, wuxuu ku soo beegmay waqtigii dalka Ruushka lagaga dhawaaqay xayiraadaha mamnuucaya iney isbitaalkaasi booqdaan dadka ajaanibta ah balse tallaabbooyinkaasi oo dhan ma noqon kuwo joojiya faafitaanka faayraska.

“Waxay noo sheegeen qof bukaan ah inuu qufac billaabay, balse xilligaasi kiis Covid-19 ah lama xaqiijinin. Kaddib waxay nagu amreen inaan xiranno maaskarada afka iyo sanka lagu xirto si aan uga hortagno wixii dhici lahaa”, ayay tiri Irina, oo ka mid ah bukaannada isbitaallada St Petersburg.

“Farmashiga isbitaalka maaskara lagama helo, marka waxaan maaskaro macmal ah ka sameysannay wixii aan heli karnay”, ayey tiri.

Irina oo xiran maaskaro macmal ah

Bukaan kale oo lagu magacaabo Nadexhda ayaa isbitaalka ay maamusho xarunta Vreden gaartay 7-dii bishii April, iyada oo ka timid Waqooyiga Galbeed ee Ruushka.

Waxay halkaas nasiib u yeelatay kaddib markii ay labo sano sugeysay iney la kulanto dhakhtarka takhasuska ay u baahneyd leh.

Isbitaalka waa lagu qaabilay balse waxay sheegtay ineysan helin adgeeggii ay isbitaalka u tagtay oo ay safarka dheer u gashay.

Seddex toddobaad kaddib waxay baraha bulshada ku qortay: “Waa xaalad aad u cakiran! Waan caafimaad qabay markaan isbitaalka imaanayey, balse hadda caafimaad dambe ma jiro! Kiisaskii ugu adkaa isbitaallo kale ayaa loo gudbiyey. Qaarna waa ay dhinteen.”

Diyargarowga Karantiilka

9-kii April waxay ahayd maalintii xarunta Vreden albaabbada la isugu dhuftay oo dunida inteeda kale laga go’doomiyey, waxaana isbitaalka markaas ku sugnaa 474 bukaan iyo 239 qof oo ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka ka shaqeynayay.

.

Kusimaha agaasimaha xaruntaas, ahna madaxa isbitaalka St Petersburg ayaa gaaray go’aanka ah in isbitaalka dadka ku jira karantiil la geliyo si looga hortago faafitaanka cudurka.

Xilliga isbitaalka karantiilka la gelinayey wuxuu u muuqday mid aan awood u lahayn baaritaanka coronavirus, iyadoo maamulka isbitaalka ay damacsanaayeen in la kala saaro dadka buka iyo dadka caafimaadka qaba.

8-dii bishii March waxay dhakhaatiirta iyo bukaannada isbitaalka ku sugnaa u sheegeen iney isu diyaariyaan xayiraadda maalinta xigtay isbitaalka laga hirgelinayey.

.

Warbixinnadu waxay sheegayaan inuusan isbitaalka xilligaas diyaar u ahayn la tacaalidda coronavirus. Mana jirin goob “nadiif” ah “oo loo diyaariyey” oo si gaar ah loogu hayo dadka uu cudurka soo ritay.

Markii lagu dhawaaqay karantiilka isbitaalka, cudurka ayaa si degdeg ah ugu faafay isbitaalka gudihiisa.

“Natijada baaritaanka dadka laga qaaday waxaa la keenayey 10 maalmood kaddib, mararka qaar natiijada bukaannada wey isku dhex yaaceysay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhakhaatiirta oo baraha bulshada ka hadlay.

Mucaawino yar oo aan saaxibbada ka heleynay

Dhakhtar kale ayaa qoray maalin ka hor inta aan isbitaalka albaabbada loo xirin in shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka ay saaxibbadooda isbitaalka dibaddiisa jooga caawino kooban ka heli jireen, sida maaskarada afka lagu xirto, iyo dareeraha jeermiska dila iyo dawooyin qaarkood.

17-kii bishi April, maaskarada afka iyo sanka lagu xirto ayaa laga soo diray magaalada Moscow.

.

Dhakhaatiirtii gudaha isbitaalka ku sugnaa waxay ka argagaxeen halista cudurkan uu leeyahay iyo degdegga uu u faafay. Inkastoo isbitaalka ay maamusho Vreden ay ku sugan yihiin dhakhaatiir takhasuskooda sarreeyo haddana khibrad ay kula tacaalaan cudurkan malaha.

“Astaamaha cudurka ee muuqda waxay ahaayeen kuwo lala yaabo. Qof weliba wuu qufacayaa. Dadku si degdeg ah ayey u daciifayaan, qofka 5-6 saac ayuu tabarti oo dhan ku weynayaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalkaasi ka howlgala.

Illustration of medical staff surrounded by face masks

Xirfadlayaasha caafimaadka waxay jeebkooda ka iibsadeen mashiinta dharka lagu dhaqo waxayna ku dhaqayeen dharka bukaannada. Halka qaarkoodna ay bukaannada nadaafadda ka caawinayeen.

15-20% dadki isbitaalkaasi ku jiray oo uu haleelay cudurka ayaa loo wareejiyey isbitaallo kale.

Karantiilka la isku khilaafay

Karantiilka marka uu kala bar marayay mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee xarunta Vreden waxay YouTube soo dhigtay muuqaal ay ciwaan uga dhigtay “Cry for Help”(caawinaad loo oynayo).

Waxay sheegtay in fayraska corona shan jeer laga baaray balse aysan weli natiijadeeda helin.

Waxyar kaddibna, isla kalkaalisadaas ayaa soo dhigay muuqaal ay ku sheegeyso inay cuntada ka soomeyso si ay u muujiso sida ay uga soo horjeeddo waxa meesha ka socda.

Machadka Vreden

Mid ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalkaasi ka howl oo ay BBC magaciisa u qarisay arrimo amni awgood ayaa sheegay in marka uu isagu cudurka ka bogsaday loo soo fasaxay gurigiisa si uu ugu nasto, balse go’aanka karantiilka guud lagu geliyey isbitaalka ayuu ku tilmaamay “inuu qayb ahaan khalad ahaa”.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay xaaladdu iney ka sii dartay markii uu dib u dhaca ku yimid natiijada baaritaannadii laga qaaday dadki isbitaalka ku sugnaa.

Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkaasi ka howlgala waxay sheegeen in dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ay ahayd in guryahooda loo diro habeenkii karantiilka ka horreeyey.

Mar ay BBC Russia isku dayday inay la xiriirto Maareeyaha Guud ee isbitaalka St Petersbur, oo ahaa ninki gaaray go’aanka karantiilka lagu geliyey isbitaalka, si wax looga weydiiyo wixi dhacay, wuxuu ku jawaabay in baaritaannada looga shaqeeyey isla sida ay natiijadooda ku heleen.

Warqad ay qoreen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ruushka oo Facebook ku baahiyeen

BBC Russia waxay sidoo kale weydiisay karantiilka inuu ahaa mid natiijada la rabay laga gaaray iyo inkale, ama inaysan jirin waddo kale oo aan ahayn in shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada meel lagu wada karantiilo.

Su’aalihii kale ee la weydiiyay waxaa ka mid ahaa tirada rasmiha ee dadka cudurka uu haleelay iyo dadka ugu dhintay isbitaalka dhexdiisa.

Bal su’aalahaasi oo dhan wax jawaabo ah kama uusan bixinin.

“Waxaan u arkaa iney khalad ahayd in dada badan hal meel lagu wada karantiilo halkii la rabay in dadka si tartiib tartiib ah loo baaro, balse weli waxaa jiray fursado kale oo taa ka wanaagsan,” ayey tiri Irina.

“Ugu yaraan, cudurka dalka intiisa kale ma gaarsiineyno, gaar ahaanna meelaha fogfog, oo ay dadka cudurka qaadaan ayna u dhintaan. Ugu yaraan halkan bukaan kasta waxaa xaaladdiisa la soconaya dhakhtar, haddii ay xaaladdiisa cuslaatana, waxaan weli awoodnaa inaan xilliga ku habboon caawinno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here