DEG DEG:Cisbitaalka Wayn Ee Magaalada Burco Oo Dad Shacaba Ugu Geeriyooden Oxgen La’aan.

0
349

La’aan. Cisbitaalka wayn ee magaalada Burco oo dad shacab ah ugu geeriyooden oxgen la’aan iyadoo maalmahan u danbeeyay ay sii kordhaysay faafitaan xanuunka aafada ah ee covid-19 oo kiisas hor leh laga helaayo gudaha somaliland ayaan cisbitaalka wayn ee magaalada Burco iyo qaybta karatiinka ee wasaarada caafimadku gobalka ugu tala gashay in lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka covid-19 ay yihiin qaar bilaa oxgeen ah.

Iyadoo deeqo badan soo gaadhen Guddida heer qaran ee covid-19 ee somaliland ayaan wali magaalada Burco ee xaruna Gobalka ogdheer laso gaadhsiin wax qalab caafimad ah oo lagu tacaalo xanuunka covid-19 oo dad badan laga helay xanuunka gudaha magaalada burco.
Dhimashada dadka geeriyonaya gudaha magaalada Burco ayaa sii kordhaysa iyado dadka badan kooda looga shakisan yahay xanuunka covid-19 balse wali wax xog rasmi ah kamay soo saarin  maamulka gobalka togdheer.
Dhamaanba waxaan gobalka togdheer aan laga dareemayn wax ka hortag ah iyo wacyogalin ay ka sameeyan maamulka Gobalka Togdheer Iaydo dhawaan Badhasaabkii gobalka Togdheer xaalad caafimad loogu qaaday caasimada magaalada Hargeysa.
Baahida maana ugu wayn ee shacabka magaalada burco maana tabeyaan waa baahiyaha qalabka caafimad ee lagu gashanto xanuunka covid-19 oo wali xukuumadu wax jawaab ah ayna kaso bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here