Diyaarad sidda gurmad Caafimaad oo dowladda Soomaaliya u soo diyaarisay gobolka Sanaag taasi oo ka degi lahayd magaalada Badhan ayaa dib u dhac kooban ku yimid sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka soo jeeda Badhan.
Diyaaradda oo la filayay in ay maanta tagto garoonka diyaaradaha Badhan ayaa dib u dhacday kadib ciriiri dhanka wakhtiga ah maadaama aysan habeenkii diyaarado ka degi karin Airport-ka Badhan.
Wararku waxay sheegaan in diyaaradda maanta uu wakhtigu ka dhacay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay isku dayeen in ay baajiyaan balse madaxda dhaqanka gobolka ay dib ka xalliyeen murankii ka dhashay isku daygaasi.
Diyaaraddaas gargaarka sidda ayaa la filayaa in ay maalinta berriya gaarto magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaas oo ay gayn doonto gurmad caafimaad.