Iyadoo Covid-19 uu uga si darayo dhaqaalaha Turkiga ayaa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP waxaa uu sheegay in xubno Dowladda ka tirsan iyo warbaahin uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan ay ku eedeeyeen qorshe afgambi.
Eddeyntii ugu adkeyd waxaa ay madaxda sare kasoo baxday 4-tii May kadib markii uu Erdogan gudoomiyay shir muuqaal ah oo ay yeeshee golaha wasiiradda, isagoo jooga meesha uu ka degna yahay Madaxtooyada.
Erdogan waxaa la rajeynayay in uu diiradda saaro dib usoo celinta shaqada dowladda iyo qorshe lagu xadidayo safmareenka, laakiin waxaa uu qayb ka mid ah khudbadiisa kusoo qaatay cadho ka dhan ah xisbiga ugu weyn mucaaradka.
Xisbiga CHP ayaa sheegay in Erdogan uu muujiyay “aragti kaligi talis, taas oo aan ku fiyoobeyn sarreeynta sumcadda qaranka, dimoqaradiyadda, cadaaladda iyo doorashooyinka la rajeynayo.”
Dhaqanka CHP waxaa haga “damacooda ah in ay maamulka waddanka ku qabsadaan afgambi iyagoo aan u marin hanaan demoqaraadi ah,” ayuu yidhi Erdogan. Isagoo ku daray “taasi waa waxa noo sawirmaya marka aad isku geyso hadallada ay sheegtay hogaanka CHP todbaadkii lasoo dhafay oo keliya”
Inkasta oo uusan Madaxweynuhu magacabin hoggaanka CHP ee uu cambaareeyay, haddana dib u eegis lagu sameeyay warkii CHP ee dhowanahaan, ayaa muujiyay in uusan jirin war lala xidhiidhin kara in CHP ay dooneyso in ay talada wadanka xoog ku qabsato.
Bishii April 29-kedii war uu siiyay TV-ga Halk ayaa Kaftancioglu oo hogaamisa xisbiga CHP waxaa ay sheegtay “isbeddel Dowladeed iyo nidaamka Dowliga ah ayaa la filayaa iyadoo loo marayo doorashooyin ama xitaa hanaan kale waqiga soo socda.”
Sida ku cad eedeynta Dowladda, waxaa baraha bulshadda iyo akoono warbaahined oo ay maamulsho Kaftancioglu lagu faafiyay “qaab kale oo awooda lagula wareegayo” taas oo ay Dowladdu u fasirtay afgambi.
Kaftancioglu waxay sideedii bishan sharaxad ka bixisay hadalkeedii. “Waxaan idhi Dowladu waxay geli doontaa doorasho xilli hore oo waqtigeedii laga so horumariyay ama mid caadi ah, markii horeba waan saadaalinayay isbedel nidaamka ah” ayey tidhi.
Ahmet Mahmut Unlu oo loo yaqaano Ahmet Hodja ee qarsoon ayaa 11-kii May waxaa uu qabsaday cinwaanada warbaahinta isagoo ka digaya Afgambi. “Waxaa jirta khatar afgambi. Waxaan arkay riyooyin, khatar ayaa jirta ayuu yidhi. Waxaa uu hadalkiisa ku daray khatartaani aysan ka imaaneyn Fatxullahi Gulen iyo kooxdiisa sidii dhacday July 2016.