“Muddo 20 sanadood ah ayaan isu diyaarinayay coronavirus”

0
337

La qabsiga cabsida uu ka qabo jeermiska ayaa Peter Goffi u horseeday inuu diyaar u ahaado xanuunka saf-marka ah ee coronavirus. Waxa uu caadeystay si joogta ula dagaalanka jeermiska , waxa uuna lahaa khibraddii loo baahnaa ee lagu xakameynayay cabsida Covid-19. Wuxuuna halkan BBC-da kula wadaaagayaa sheekadiisa:

Waxaan fadhiya jikadeyda markii aan maqlayay fayrsaska Corona waxaana gacanta ku hayay oo aan isticmaalayay dawada jeermiska disha

Anigoo yar ayaa waxaa layga helay xanuunka OCD oo ah xanuun uu qofka ka baqayo jeermiska. Ku dhawaad 3 meelood nolosheydii, waxaa welwel igu hayay cabsida aan ka qabo jeermiska oo waxaan ka fakari jiray sida laysugu gudbiyo iyo qaabkii aan isaga ilaalin lahaa.

Waxaan iska ilaalin jiray in jirkeyga uu taabto dadka aan qoyskayga ka mid ahayn, gacmaha ayaan iska dhaqi jiray markasta oo aan taabto sheey uu qofkale taabtay, waxaan sidoo kale nadiifin jiray qudaarta marka aan suuqa ka soo iibiyo- marka sidaa darteed qodobadaan horay ayaan ula qabsaday oo nolosheyda ayayba ka mid ahaayeen, waxaana ogaaday in dhaqankan cusub ee haatan lagu baraarugay marka uu dillaacaay coronavirus uuba aniga dhaqan horay igu ahaa.

Haatan malaayiin qof oo ku nool dunida daafheeda ayaa waxay is weydiinayaan:

“Qofkii aan dukaanka ku kulanay miyuu aad igu soo dhawaaday?”

“Miyaan gacmahayga si fiican u dhaqay?”

“Saabuuntani ma tahay mid safiican u dileyso jeermiska?”

Waxaan ku soo barbaaray Canada, markii uu xanuunkan shakiga ah igu dhacayayna waxaan ahaa 6 sano-jir balse markii aan 12 sano-jirsaday cabsidii badnayd waa ay iga yaaratay balse walaaca nadaafadda iyo wasakhda ayaa igu sii kordhay oo waxaan ka shakin jiray firirka candhuufta ka soo baxda marka uu qofka hadlo, iyo jeermiska faafaya markii aysan dadku gacmaha dhaqin iyagoo ka soo baxay suuliga.

Xaqiidii qoyskayga waxay ogaadeen inaan iska ilaalinayo taabshada sida qataarka irridaha iyo meelaha nalka laga shido.

Markii aan dugsiga sare dhiganayay waxaan ilaalin jiray kala fogaanshaha asxaabteyda si aan isaga ilaaliyo in jirkayaga uu is taabto.

.

Shantii sano ee la soo dhaafay waxaan aad u xaddiday cabsidaydii oo waxaan noqday qof wajihi kara oo la digaalami karo shakiga iyo cabsida aan qabo.

Dad badan oo horay ula taacaalayay cabsda jeermiska ayaa sheegay ineysan haatan aad uga cabsi qabin khatarka fayraska corona.

Markaan raashin soo iibsanayo waxaan door bidaa raashinka sajalka ah ee aan la furin badalkii aan iibsan lahaa kuwa la furay ee qaar laga bixiyay.

Haatan marka aan xaafadda raashinka keeno, waxaan dhigaa meel gaar ah sida aan kabahaygaba meel gaar ah u dhigo, gacmaha ayaan iska dhaqaa kaddibna waxaan nadiifiyaa dhamaan raashiinkii aan dukaanka ka soo iibiyay. Gacmahayga ayaan hadana dib u dhaqaa kadib ayaan rashiinkii firinjeerka ku guraa, dhammaan tallaabooyinkaasina ma ahan kuwa noloshayda ku cusub.

.

Iyadoo ay sare u sii kacayaan sheekooyinka la xiriira coronavirus ayaa waxaa hadana la khafiifinaya xayiraadihii loo soo rogay corona awgii balse si kastoo dib loogu furo iskuulada iyo dukaamada, cabsida Covid-19 weli wey sii jiri doontaa oo dunida si dhakhsiya uma xasili doonto.

Waxaan isu arkayay qof doqon ah sababtoo ah waxaan isu haystay qofka kaliya ee dunida kunool oo waxaan sameeynaya, balse haatan la joogo dadka ayaan la mid ahay oo coronavirus ayaa dadka simay.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here