Dalka Shiinaha waxaa mar kale sare u kacday tirada uu soo ridanayo cudurka Corona ka dib markii Isniinta maanta ah dalkaas laga diiwaangaliyay 17 kiis oo cusub.
Shan ka mid ah kiisaskan ayaa waxaa laga diiwaangaliyay magaaalada Wuhan .
Magaaladan oo ah goobtii uu cudurka Covid-19 ka soo bilaabmay ayaa waxaa kiisaskani ay yihiin kuwa ka dashay gudaha magaalada oo aan meel kale uga iman.
Waa tiradii ugu badnayd oo laga helo Wuhang tan iyo intii shaaca laga qaaday in cudurka laga soo afjara magaaladaasi.
Saraakiisha caafimaada ayaa rumaysan in 5 kiis ee la helay ay yihiin shaqsiyaad hal goob ku nool.
Magaalada Wuhan oo xudun u ahayd cudurka Corona ayaan dhowr maalmood wax kiisas ah laga soo sheegin.
Wararka kale ee caalamka ugu dambeeyey ee ku saabsan Coronavirus:
Dalka Mareykanka waxaa 24 saac ee ugu dambeysay cudurka u dhintay 776 qof taasi oo tirada sii kordhinaysa.
Waxaa tirada guud ee Mareykanka cudurka ugu dhimatay ay imika gaartay 79,526.
Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ay dowladda ka digtay in mowjad labaad oo cudurka Corona ah laga cabsi qabo.
Dalka Australia labada gobol ee ugu wayn dalkaasi oo kala ah New South Wales (NSW) iyo Queensland ayaa waxaa maanta dib loo furayaa iskuulada.
Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay dajinayso qorsha si tar-tartiib ah xayiraadaha loogu qaadayo.