Dhul Ay Ka Xishoodeen Afartii Madaxweyne Ee M/ Biixi Ka Horeeyay Oo Hadda La Sheegay In Cid Gaar Ahi La Wareegtay, Hadal Haynta Bulshada Iyo Xogo Cajiib Ah.

0
318

Cid Gaar Ahi La Wareegtay, Hadal Haynta Bulshada Iyo Xogo Cajiib Ah.

Isgoyskii ku yaalay Xafiiska UCID Hortiisa oo daar cid gaar ahi leedahay laga taagay iyo Isgoyska Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa Dhinac Galbeed kaga qabsan oo Miiska Saaran.

Xoggo soo baxaya ayaa tibaaxaya in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay damacsantahay inay shaqsiyaad ku dhaxal wareejiyso dhul uu leeyahay cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa,kaasi oo ah barxada dhinaca galbeed kaga xigta Cisbitaalka qaybta dhimarka,waxaana la sheegay in shaqsiyaad Ganacsato ahi ay ku geef wareegayeen maalmihii ugu dambeeyey.

Xoggaha aanu ka hellayno illo wareedyo u dhuun daloola arrintan,ayaa xusay in dadkii ku Ganacsanayey goobtaas oo Dan yar ahaa in ay Xukuumaddu ay ka rartay maalmihii ina dhaafay,taasi oo muujinaysa in ay xukuumadda Biixi ay u sii baraxayso dhulkaas shaqsiyaad ay ka leedahay dan gaar ah,kuwaas oo ay hantida Qaranka ku maamuusayso,iyadoo ay xusid muddan tahay inuu u baahan yahay dhulkaas dhakhtarka weyn ee Hargeysa.

Dhanka kale Marxuum Madaxweyne Cigaal,Marxuum Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur Iyo Madaxweyne Riyaale ilaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka xishooday inay dhulkaas ay cid gaar ah u siyaan hadyad ,haseyeeshee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda mid dhulkaas ku casuumaya cid gaar ah.

Geesta Kale Xukuumadda Biixi ayaa dhawaan ku wareejisay shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweynaha barxada isgoyska xaafiiska Guud ee xisbiga UCID ee Hargeysa,kaas oo lagu magacaabo khadar isagoo halkaas ka dhistay guri,balse xoggoha qaar ayaa sheegaya inuu dhismahaas uu leeyahay Madaxweyne Biixi ,haseyeeshee uu food saaro ka dhiganayo wiilka lagu magacaabo khadar ee uu adeerka u yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here