Laba Kamid Ah Golaha Wasiirada Puntland Oo Laga Helay Coronavirus

0
281

Xukuumada Puntland ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka safmarka

ah ee coronavirus, sida uu warbaahinta usheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan.

 

Wasiirku muu sheegin magacyada labada wasiir ee laga helay xanuunka, balse waxa uu sheegay in xaaladooda caafimaad wanaagsantahay imika.

Wasiirk Caafimaadkaayaa sheegay in Puntland diiwaangelisay sideed xaaladood oo cusub, ka dib markii xanuunka laga baadhay laba iyo labaatan qof.

 

Bukaanada cusub ee laga diiwaangeliyay deegaanada Puntland oo dhammaantood rag ah ayaa laba ka mida waxay jooggaan Gobolka Mudug, iyadoo laba kale laga diiwaangeliyay Gobolka Nugaal, halka afarta kalana ay ku sugan yihiin Gobolka Karkaar.

 

Sida uu xalay sheegay Wasiirku waxaa deegaanada Puntland xanuunka ugu geeriyooday qofkii labaad, kaasoo maalmihii ugu dambeysay xaaladiisa lagula tacaalayay xarunta karantiilka ee Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here