Jawaar Maxamed Oo Ku Eedeeyay Abiy Axmed In Uu Wado Handdadaad

0
405

“Ma jirto awood dastuuri ah oo uu kusii joogi doono”Jawar Maxamed oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed in uu wado handdaad isla markaana xisbiga haya talada uu wado tallaabooyin sharciga ka baxsan oo uu awoodda kusii xoojisanayo.

 

“Ma jirto awood dastuuri ah oo uu kusii joogi doono..waxaa jiri doonaa wakhti ay awoodda iska banaanaan doonto” ayuu yiri Jawaar.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka digay in uu tallaabo ka qaadi doono siyaasiyiinta mucaaradka ee isku dayayo in awoodda ay la wareegaan iyagoo ka faa’ideysanayo jahwareerka uu horseeday cudurka corona.

 

“Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.”

 

Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.

 

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here