Coronavirus: Hindiya oo muwaaddiniinteeda 12 dal ka soo daadgureyneyso

0
446

In kabadan 60 duullimaad oo muwaaddiiniinta Hindiya ee ku xayirmay xayiraadda Coronavirus ee dalalka caalamka ay soo rogeen ayaa la sheegay in dalkooda dib looga soo celinayo.

Ku dhawaad 15,000 oo muwaaddiniinta dalka Hindiya ah oo ku xayiran 12 dal ayaa la filayaa duullimaadyada gaarka ah oo ay shirkadda diyaaradaha ‘Air India’ ay sameyneyso dalkooda dib looga soo celiyo.

Dadka rakaabkana kharashaadka diyaaradaha iyaga ayaa iska bixinaya marka ay dalkooda dib ugu soo laabtaanna waxaa la gelinayaa karantiil 14 maalmood ah.

Maraakiibta ciidamada badda Hindiyana waxay ka qayb qaadanayaan dib u soo celinta muwaaddiiniinta dalkaasi.

Dalka Hindiya ayaa bishii March xayiraad ku soo rogay duullimaadyada caalamiga iyada oo dalkaasina la saaray xayiraad guud oo looga talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus.

Wixi xilligaa ka dambeeyeyna duullimaadyo kooban oo ay sameeyeen diyaaradaha dalkaasi oo muwaaddiniin dalkooda dib looga soo celinayey.

Balse duullimaadyadan hadda lagu dhawaaqay oo looga magacdaray (Vande Bharath) ayaa noqonayaa howlgalkii ugu weynaa ee nidaamsan.

Warbaahinta maxalliga ee dalka Hindiya waxay sheegeen ilaa iyo xilligaasi dalka Hindiya in dib looga soo celiyey muwaaddiniin ka badan 200,000.

Haddii howlgalka soo daadgureynta muwaaddiniinta lagu guuleysto wuxuu noqon doonaa howlagalkii ugu weynaa ee la fuliyo tani iyo 1990-kii, xilligaasi oo muwaaddiniin ka badan 170,000 oo u dhashay dalka Hindiya laga soo daadgureeyey Kuweit xilligi uu socday dagaalki Khaliijka.

Shirkadda diyaaradaha ‘Air India’ oo ay shirkad diyaaradeed oo qaranka Hindiya leeyahay waxay muwaaddiniinta dalkaasi ka soo daabuli doontaa waddama ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain, Sacuudi Carabiya, Sigapore, Qadar iyo Malaysia.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo keli ah waxaa dalka Hindiya ka soo gaaray 197,000 oo codsi oo ah in dalkooda loo soo qaado.

Diyaaradaha ugu badanna waxay ka dagi doonaan gobolka koonfurta Hindiya ku yaalla ee Kerala, gobolkaasi oo ah halka ay dadka ugu badan dibadaha shaqooyinka uga aadaan.

Dowladda Hindiya oo duullimaadyadaasi faahfaahin ka soo saartay waxay sheegtay diyaaraddiba iney qaadi doonto rakaab dhan 200-250.

Gobollada dadkaasi laga dajin doona waxay diyaariyeen Isbitaalladi iyo goobaha ku meel gaarka ee dadkaasi 14 maalmood lagu karantiili lahaa.

Goob dadkaasi lagu karantiilayo oo lagu diyaariyey gobolka Kerala
 

Mas’uuliyiin u warramay BBC waxay sheegeen dadka waayeelka, hooyooyinka uurka leh iyo dadka kale ee u baahan ahimiyad gaar ah in la siiyo safarka lagu horreysiin doono.

Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya S. Jaishanker wuxuu muwaaddiniinta dalkaasi ee doonaya in dalkooda dib looga soo celiyo uu ugu baqay iney la xiriiraan safaaradaha ku dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here