Cudurka korona oo gudaha u galay saldhigga ugu weyn milatariga Mareykanka ee Afrika

0
423

Saldhigga milatariga Mareykanka ee Jabuuti ayaa xayiraad lagu soo rogayaa kaddib markii laga helay kiiskii labaad oo cudurka korona fayras ah, sida laga soo xigtay wargeys wax ka qora arrimaha milatariga Mareykanka.

Warbaahinta RFI ee faransiiska oo warkan soo xigatay ayaa sheegtay in qofkii labaad oo ka tirsan milatariga Mareykanka ee saldhiggaas ku sugan la xaqiijiyay inuu qabo cudurka.

Qofka labaad ee cudurka laga helay ayaa laga qaaday dalka Jabuuti, arrintaasina waxay horseedday in xayiraad lagu soo rogo saldhigga.

Saldhiggan oo bixiya istiraatiijiyadda milatari ee guud ahaan bariga Afrika ayaa dhaqdhaqaaqyadiisa loo xannibayaa si loo yareeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Warbaahinta RFI ayaa intaas ku dartay in Taliska Milatariga Mareykanka uu Talaadadii u diyaar garoobayay in xubnaha ka tirsan askarta ee magaalada Jabuuti daggan lagu xareeyo meel ka mid ah saldhigga.

Tallaabadan ayaa lagu qeexay mid ku meel gaar ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay taliska milatariga Mareykanka oo uu soo xigtay wargeyska lagu magacaabo “Stars and Stripes” ee ka faallooda arrimaha la xiriira milatariga.

.

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in tirada guud ee kiisaska korona ee dalkaas ay marayaan 1,077 qof.

Ilaa hadda 2 rux ayaa jabuuti ugu geeriyootay coronavirus.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in faafitaanka xad-dhaafka ah ee cudurka ay sabab u tahay dadka oo aan u hoggaansameynin amarrada ay dowladdu soo rogto ee cudurka lagu xakameynayo.

Talooyinka dowladda Jabuuti ay shacabka u jeedisay waxaa ka mid ah kala fogaanshaha bulshada iyo iskaliyeelidda shakhsiyaadka.

Marka laga soo tabo saldhigga milatariga Mareykanka, Jabuuti waxay sidoo kale marti galisaa saldhigga milatariga Faransiiska, oo ah waddankii horay u gumeystay Jabuuti.

.

Saldhigga Faransiiska waxaa ku sugan 1,400 oo askari, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha dagaalka.

Waxaa kale oo Jabuuti ku yaalla saldhig ay leeyihiin ciidamada badda ee Faransiiska.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa la isla dhex marayay warar ku saabsan in Shiinaha uu qorsheynayo sidii uu saldhig milatari ugu yeelan lahaa Jabuuti, oo ah waddan yar oo ku yaalla geeska Afrika.

.

Jabuuti ayaa ah waddanka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Covid-19 marka loo eego dhammaan dalalka kale ee gobolka Bariga Afrika.

Waxay tiro aad u badan ka sarreysaa waddamada dariska la ah ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia.

Shiinaha oo Jabuuti ka caawinaya la dagaallanka coronavirus

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Jabuuti gacanta ka siinaya sidii ay ula tacaali lahayd xanuunka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay.

Koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Jabuuti.

Sida ay dowladda sheegtay, waxay la shaqeyn doonaan dhakhaatiirta reer Jabuuti ee safka hore uga jira la dagaallanka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here