Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Ee WHO Oo Khabiirro Caafimaad U Soo Dirtay Somaliland + Tababar Ay Siin Doonan Shaqaalaha Ku Shaqaynay Mashiinka Lagu Baadho Cudurka Covid-19.

0
340

Khabiirro Caafimaad oo ka socda ha’yadda Caafimaadka ee WHO ayaa soo gaadhay magaalada hargeysa kuwaasi oo tababar siin doona shaqaalaha ku shaqaynay mashiinka lagu baadho fayraska COVID-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in khabiirradan ay muddo laba bilooda dalka joogayaan iyaga oo tababar siin doona da’ yarta lagu talo galay in ay ku shaqeeya mashiinka lagu baadhayo dadka qaba fayraska dunida kusii fidaaya ee COVID-19.

“Waxa nasoo gaadhay khubarro ka socota ha’yadda WHO , kuwaasi oo rakibaad ka shaqaysiin ku samayna mashiinkii la odhan jiray PCR ee hore inosoo gaadhay waxanay bilaabeen in ay ka rakibaan oo ka shaqaysiiyaan mashiinka iyaga oo inala joogi doona muddo laba bilood ah, tobabarna siin doona shaqalaheena shaybaadhka ilaa inta ay ka hanannayaan mashiinka sida loogu shaqeeyo ” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here