Muftiga Sacuudiga Oo Ku Dhawaaqay Inaan Masaajiddada Lagu Tukan Doonin Taraawiixda

0
292

Muftiga dalkaasi Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Salaadda taraawiixda iyo salaadda Ciidda lagu tukadaa guryaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Saudi ee SPA.

Ku dhawaaqiddan ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo muddo toddobaad ah ay naga xigtdo bisha barkaysan ee Ramadaan.

Muftiga Boqortooyada Sacuudiga Sheikh Abdulaziz al-Sheikh ayaa sheegay in Jameecada salaadda taraawiixda aanan misaajiddada lagu tukan doonin sannadkan sababo la xiriira tallaabooyinka ka hortagga faafidda Coronovurus.

Muftiga waxa uu sidoo kale sheegay in haddii uu xanuunka sii socdo bisha barakeysan salaadda Ciidul-fitriga la tukan doonin.

Sacuudi Carabiya ayaa horay joojisay in gebi ahaanba salaaddaha jamaacada lagu tukado gudaha iyo bannaanka labada masjid ee barakaysan ee ku kala yaalla Maka iyo Madiina si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.

Waxaana ka sii horreey amar ahaa inaan salaadda lagu tukanin dhammaan masaajidda kale ee dalkaasi Sacuudiga.

Masjid al-Nabawi oo ku yaalla madina ayaa ka mid ah masaajidda la xirayLahaanshaha sawirkaANADOLU AGENCY
Image captionMasjid al-Nabawi oo ku yaalla madina aya aka mid ah masaajidda la xiray

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka.

Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here