Shalay Ayay Ahayd Markii Gudida Ka Hortaga Caabuqa Coronavirus Ee Gobolka Togdheer Ay Isugu Yeedheen Warbaahinta Iyaga Oo Rabay Inay Uga Waramaan Xaalada Gobolka,
Maxay Warbaahintu Isha Ku Dhufatay Markiiba!
Markii La Bilaabay Shirkii Ayaa Isu Duwaha Wasaarada Cafimaadku Hadalkii Bilaabay,Intii Anu Dhamaysan Ayaa Warbaahintu Waydiisay,
Sababta Ay Iyaga Laftarkoodu Ugu Dhaqmi Wayen Waxanay Gudbinayaan Oo Ahayd Inay Xidhaan Facemask Kala Durugsanaan Iyo Gacmo Gashiga Oo Markaasi Aanay Midna Camerada Lasoo Hor Istaagin. Waxaana Ay Ku Jawaabeen Waanu Xidhanaynaa Khalad Naga Dhacay Weeyee……….
Hadaba Bulshada Sidee Bay U Ilaalin Rag Aan Iyagu Nafahooda Ka Adkayni
Ma Qof Baa Burco Uu Ku Dilay Covid19!
Markii Intaasi Dhacday Ayaa Hadana Waxaa Si Kadisa Afka Isu Duwaha Kasoo Baxday “Laba Qof Ayaanu Ka Soo Qaadnay Deegaanka Nasiye Ee Degmada Burco Hoos Yimaada ,Labadaa Qof Dhiig Banu Ka Qaadnay Waxaana Aanu Uga Shakinay Xanuunka Dhiigina Kenya Ayaanu Udirnay, Intii Dhiigu Maqna Ee Aanay Weli Jawaabtu Soo Bixin Ayaa Labadii Qof Mid Dhintay”
Waxaa La Waydiiyay Ma Xanuunka Covid19 Buu Udhintay ?
Wuxuu Ku Jawaabay ” Maya Ee Oof Ayuu Udhintay”
Hadaba Ma Dhabaa Sawkii Hada Lahaa Xanuunka Ayaanu Uga Shakinay Oo Walibana Jawaabti Ma Hayno Sidee Buu Ku Cadaynayaa Inuu Xanun Kale U Dhintay.
Badhasaab Xamse Cadaw Yuurura Ayaa Warbaahintu Isdhahday Bal Wax Ka Waydiiya Arinkan Is Murugsan Ee Meesha Yaala ,
Wuxuuna Ku Jawaabay ” Adeer Su,Aalihiina Jawaabo Uma Hayee Iga Daya”
Waa Gudoomiyihii Gobolka Qofka Sidaa U Hadlayaa Dawladuna Isagay Gobolka U Wakiilatay Wanakaa Leh Waxba Garan Maayo.
Burco Waa Magaalo Baylah San Oo Goor Kasta Halisa Usaaxiiba ,Waxaa Dhacday Sanadihi Udambeeyay IN Aafooyin Badani Burco Ku Kaliyaysteen Sida SHUBAN-BIYOODKII-KUDUUDIYIHII IYO GOR-GORKII
Intaabaa Xukuumadu Ishay Ku Haysay Hadaba Kuwii Kasoo Kabataye Covid19 Na Ma Intii Xanuunada Kasoo Hadhay Ha Isa Sii Kaba Raaco Ayaa Sidan Loogu Galayaa
Maxaa Loogu Haleeeyay Badhasaab Hurda,Iyo Gudi Aaan Nafahooda War U Hayn Kuwo Kale Iskadaayo.
Waxaa Xusid Mudan in Maayir Muraad Isna Geestiisa Gudi Magacaabay Kuwan Ku Lidi Ah
Burco Ilahay Bay Leedahay,
Ceelna Uma Qodna Cidna Uma Maqna
W/Q Shaybe Cumar Cismaan