Sida shalay lagu daabacay wargeyska lagu magacaabo "The Times of Israel", ayaa lagu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdilaahi Farmaajo si qarsoodi a kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Yuhuuda Netanyahu. Warbixinta
waxaa diyaariyey wariye Isreal ah oo caan ah, kana faalooda arimaha siyaasada iyo diblomaasiyada oo lagu magacaabo Raphael Ahren.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in wafti ka socda dowlada Soomaaliya ay magaalada Qudus ay kula kulmeen wasaarada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dowlada Isreal 15 bishii January 2020 Arintan uu ku kacay Farmaajo ayaa waxay tahay KHIYAAMO laga galay DIINTA
ISLAAMKA iyo umada Soomaaliyeed, waxayna daliil cad u tahay qar iska tuurka Farmaajo iyo kooxdiisa NGO ah oo iyagu ku cusub saaxada siyaasada.
Khiyaamadan uu ku kacay Farmaajo ayaa waxaa ka dhalan doona culays badan oo isaga iyo kooxdiisa Nbad iyo Nolol kaga yimaada dhammaan qeybaha kala duwan ee ummadda Soomaaliyeed, iyo weliba wadamo badan oo ka tirsan dunida Islaamka
oo iyagu aan ictiraafin Yuhuuda xusuuq kawada palastine boobna ku haysta dhulka Falatiiniyiinta.