Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Mushaharkii Ka Joojisay Shaqaale Ka Howl-gali Jiray Gudaha Somaliland

0
285

Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Mushaharkii Ka Joojisay Shaqaale Ka Howl-gali Jiray Gudaha Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya mushaharkii uga joojisay shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi.

 

Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jartay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah uu soo gaadhay Gebogebonews.com

 

Shaqaalaha dowladda federaalku ay ka jartay mushaharka ayaa xili hore laga caydhiyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumada Somaliland la xidhiidheysay dowladda Soomaaliya oo mushahar ka qaadan jireen.

 

Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumadda Somaliland ka cayrisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa.

 

“Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa waajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yidh Waraaqdaasi oo uu ku saxeexna Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

 

Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasime Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga cayriyey madaarka Hargeysa, xili ayna wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland.

 

Shaqaalahan ay dowladda Soomaaliya ka joojisay lacagtii ayaa hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada.

 

Shaqaalahan ayaa tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta ayna xukuumadda Biixi caydhin, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here