“Beryahan danbe waxaad moodaa in dadkii lagu mashquuliyey wadahadaladda Somalia iyo Somaliland. Waxaaba runtii lays weydiin karaa maxaaba laysu lurayaa kolay meel laga gaadhi maayo xilligane maadaama Shan jeer Oo hore wixii lagu heshiiyey maanta faro madhan laga hayo.
Madaxda dawladda Soomaaliya kuma dhacaan in ay yidhaahdaan “waxaanu u ogolaanay inay Somaliland noqoto dal naga madax banaan.” Madaxda dawladda Somaliland iyaguna sidoo kale kuma dhacaan in ay yidhaahdan ” mar kale ayeeynu la midoobaynaa Somalia”. Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana aniga iyo dad kaleba aanu dareensan nahay in xataa labadda dhinac xagga madaxda sare aanu midna ka hawl gelin Oo daacad ka ahayn Wuxuu shicibkoodu doonayo. Madaxda Soomaaliya midnimadda ay doonayaan Ma laha ficilkeedii oo inay dhab ka tahay shaki badan baa ku duugan sidii ay soo jiidasho u sameyn lahaayeen kama muuqato iyo tanaasul toona. Sidoo kale madaxda Somaliland ictiraafku maaha mid dhaafsiisan qudbadaha iyo heesaha waddaniga ah. Ficilkii iyo doonistii in ay noqdaan dawlad la ictiraafsan yahay ma yaalo meesha waxaadna moodaa in dib loo sii socdo oo wanaagii la sameeyaba hadaba dib laga masaxayo.
Laakiin mid uun baan ogsoonahay labadda shiciba way ku dheganaanayaan Waxay haystaan oo shicibka Somalia arrinkoodu waa midnimo, shicibka Somaliland arrinkoodu waa in ay noqdaan dal ictiraaf hela oo gooni u madax banaan. Hadda waa kolka aan ka hadlo dadka inta badan ama majorityga shicibka maadama dadka qaar ay aaminsanaan karaan fikirkan mid ka soo horjeeda. Haddaba shicibka nasiib u yeesha mustaqbalka dhow in ay helaan madax nolol u sameysa oo caafimaad, waxbarasho, shaqo, nabadgelyo iyo horumar u horseeda ayuunbaa aakhirka u dhow in ay gaadhaan yoolka uu shicibkoodu higsanayo. Waxaadna moodaa in wadahadalka dadka lagu mashquulinayo ay tahay wax kale Oo loo hayo Oo horumar ah ayaan jirin.
Labadda dhinacba hawlo waaweyn Oo gudahooda ah ayaa horyaala. Somaliland dhexdeeda ayeey u baahan tahay inay iska habayso Oo ka midowdo intaanay cid kale la hadlin oo dadkeedu isku tashado oo is qanciso. Soomaaliya iyo dawladda Federaalku inay nabad Muqdisho ka dhaliso Oo maamul goboleedyadda iyo nidaamkeedda dawladeed isku dubaridato ayaa loo baahan yahay Oo inay ka soo kabato burburkii 30 ka sanadood soo gaadhay ayeey u baahan tahay. Haddii kale xaalku Wuxuu noqonayaa qabyo la hadlaysa qabyo Oo ay labadoodda shicib badankoodu uu aad u kala fogyahay xilligani. Ilaahay dadka ha ka badbaadiyo cudurkan imika socda. Ducadana ha la badsado.” Waxa Qoray Jamaal Cali Xuseen