Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Masuul Oo Xilal Sarre Haya

0
545
Hoggaankii Nabadgelyada Xukuumadda Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa xabsiga loo taxaabay maanta gellinkii hore kaddib markii uu Madaxweyne Mustafe soo saaray digreeto uu xilka kaga qaaday.
Hoggaanka Nabadgelyada, Cabdicaadil Xasan Cabdi oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegayay inuu la saftay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Deegaanka oo khilaaf u dhexeeyo Madaxweyne Mustafe, ayaa xalay la geliyey xabsi guri ay ku ilaalinayeen ciidamo tiro badan, halkaas oo saaka loogu geeyey war-qaddii casilaadda ka hor intii aan loo qaadin jeelka dhexe ee asluubta.
Sida ay Jigjiga Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Cabdicaadil ayaa jeelka dhexdiisa loogu geystay jidh-dil, waxaanu qabaa nabarro waaweyn oo ay gaadhsiiyeen ciidamadii ka qaaday gurigiisa, kuwaas oo gacanta ula tegay markii ay xidheen iyo xilligii ay guriga ka saarayeenba.
Warku ma sheegin sababta keentay jidh-dilkan, hase yeeshee waxa kale oo xalay xabsiga loo taxaabay Cabdiqaadir Bisle oo ah madaxa baratakoolka Madaxtooyada oo isagana lala xidhiidhiyey inuu la socdo dhinaca Madaxweyne ku-xigeenka iyo Cabdicaadil.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa deegaanka ka jiray khilaafyo siyaasadeed oo culus oo gaadhay ilaa xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, kuwaas oo sababay in ugu dambayntii uu Madaxweyne Mustafe go’aan kalidii ah qaato oo uu xabsiga u taxaabo laba masuul oo xilal culus ka haya xukuumaddiisa.
Xilka hoggaanka nabad-gelyada ee deegaanka Soomaalida ayaa waxa hoos yimaadda masuuliyado badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Caddaalada iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo dalalka ay qabtaan ilaa laba ama saddex wasiir.
Dhinaca kale, Madaxweyne Mustafe ayaa wareegto uu soo saaray waxa hoggaanka Nabadgelyada si-ku-meelgaadh ah loogu magacaabay Cabdillaahi Maxamed Cabdi (Cabdillaahi Dheere) oo ku-xigeen u ahaa Cabdicaadil.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xilkii ka qaaday Maareeriyihii TTC-da ee Dr. Abdimajid oo uu hayay Cabdillaahi Gisinle oo bilo ka hor loo magacaabay xilkaas kaddib markii laga qaaday wasiirka Warfaafinta deegaanka oo uu muddo sannad ku dhow ahaa.
Maareeyaha Cusub ee TTC ayaa waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Dayib Muxumed oo dhowaan laga qaaday Duqa Magaalada Jigjiga.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Madaxa Sirdoonka Deegaanka iyo ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka oo laga dhigay Cabdi Siigaale iyo Xiri Maxamed Dool.
Si kastaba, khilaafkan ayaa ahaa mid soo taagnaa in muddo ah, waxaana xuduntiisu tahay maamul xumo iyo awood maroorsi ay Madaxweyne ku-xigeenka, Cabdicaadil iyo xubno kale oo Guddida Fulinta Xisbiga SDP ka tirsanayeen Madaxweynaha, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ku mashquulsan yahay waxyaabaha facebook lagu qoro iyo dad aan khibrad siyaasadeed lahayn oo waxa ay u sheegaan uu sidooda u qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here