Maxaad ka Taqaannaa Dhakhtarka Soomaaliga Ah Ee Dagaalka Corona Ka Wada Talyaaniga?

0
379

Dhakhtar Soomaali ah ayaa ka mid ah dhakhaatiirta safka hore uga jira dagaalka ka dhanka ah Caabuqa Corona ee faraha ba’an ku haya waddanka Talyaaniga, wuxuuna BBC-da uga waramay sida ay xaaladdu tahay iyo wayaabihii uu shakhsi ahaan ula kulmay.

Muddo 40 sano ah ayuu Dr. Fu’aad Caamir Tarmum ku sugnaa Talyaaniga, isagoo shaqadiisuna ay tahay Dhaktarnimada.

Laakiin wuxuu noo sheegay in arrimihii caadiga ahaa ay isbaddaleen markii uu Caabuqan weerarka kusoo qaaday waddanka uu muddada dheer joogay.

“Halgan culus baan ku jirnaa, waayo markii hore cudurka wuxuu joogay gobollada Waqooyiga laakiin hadda wuxuu usoo gudbay qeybta bartamaha ee ay ku taallo magaalada aan hadda joogno ee Florence iyo xitaa dhinaca Koonfureed”.

.Lahaanshaha sawirkaDR. FU’AAD CAAMIR TARMUMImage captionTalyaaniga ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Fayraska Corona

Cabsi badan ayuu sheegay inay jirto, xilli isbitaalka uu ku sugan yahay ay ku qulqulayaan bukaannada uu ku dhacay Caabuqa Corona.

Mar uu ka hadlayay qaabka loo wajaho bukaannada xanuunkan uu soo ritay ayuu Dr. Fu’aad yiri: “Bukaannada marka ay imaanayaan waxay leeyihiin nidaam gooni ah, dhakhtar walba lama kulmi karo, waxaa arkaya dhakhtar loogu tala galay, lagumana dhaweynayo bukaannada kale ee caadiga ah. Waxaan isbitaalkeenna ku sameynay qeyb gooni ah oo u xiran dadka qaba Corona, 20 sariir ayaa la dhigay, halkaas ayaan ku daryeelnaa”.

Dadka qaar iyagoo dhimanaya ayaan iska dhaafnaa, annagoo ka door bideyna inaan kuwo kale daweyno

Qaar ka mid ah bukaannada ayuu sheegay in iyagoo sakaraad ah aysan caawininin, ayna kuwo kale ka door bidaan, kaasoo ah go’aan kuu ku tilmaamay mid adag oo ay dhakhaatiirta ku khasban yihiin.

“Cudurkan waa mid aad u xun oo si dhakhso ah u faafaya, dadku meeshan waxay ugu dhimanayaan si xad-dhaaf ah, waxaad arkeysaa qof ay hortaada nafta uga baxeyso. Waxaan gaarnay heer aan dhahno qofka waayeelka ah waan iska dhaafeynaa, qofka dhalinyarada ayaan daweyneynaa. Sababtoo ah kulligood ma wada daaweyn kartid halmar, waa inaad go’aan gaartid, ” ayuu yiri Dr. Fu’aad.

Dhakhaatiirka dalka Talyaaniga ayaa ka wada siman arrintaas, waxayna sheegeen in go’aankaas qalbi jabka ah ay dantu ku kalliftay.

“Haddii qof ay da’diisu u dhaxeyso 80 ilaa 95 neefta ku dhaggantahay, uma badna inaad u dhaqaaqdo sidii aad u daweyn lahayd,” ayuu yiri Dr Christian Salaroli, oo madax ka ah qeybta bukaannada halista ah loo gudbiyo ee isbitaalka magaalada Bergamo ee ka tirsan gobolka waqooyiga Talyaaniga dhaca ee Lombardia, mar uu la hadlayay wargeyska Corriere della Sera.

“Erayadan waa kuwo aad u xun, laakiin waxaa wax laga qoomameeyo ah inay run yihiin. Ma fileyno inay dhacaan waxa aad ugu yeertaan mucjiso,” ayuu yiri.

.

Talyaaniga ayaa xaalad adag ku wajahaya sidii bukaannada loogu heli lahaa sariiraha isbitaallada oo ku filan – Xaaladdan ayaana lagu tilmaamay mid la arko xilliyada ay socdaan dagaallada lagu hoobto oo kaliya.

Waddankan ayaa ah kan labaad ee ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduunka, marka laga soo tago kan koowaad oo ah Japan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Taasi micnaheedu waa in dadka da’da ah ay halis ugu jiraan inay aad u xanuunsadaan marka uu ku dhaco cudurkan.

Talyaaniga ayaa ah waddanka labaad ee uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay cudurkan loo bixiyay Covid-19, marka laga soo tago Shiinaha.

Ilaa hadda, 27,980 kiis ayaa laga xaqiijiyay gudaha Talyaaniga, tiradaas oo marba marka ka dambeysa si xowli ah usii kordheysa.

In ka badan 1,000 qof ayaa cudurkan ugu dhintay Talyaaniga, oo ah waddankii ugu horreeyay ee Yurub ka tirsan oo saameynta ugu xun ay kasoo gaartay Fayraska Corona.

Siduu dhakhtarka isaga ilaalinayaa Cudurka?

.Lahaanshaha sawirkaDR. FU’AAD CAAMIR TARMUMImage captionQaar ka mid ah Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyeyaasha Talyaaniga ayuu ku dhacay Covid-19

Su’aashaas waxaa ka jawaabaya Dr Fu’aad oo daqiiqad walba la kulma bukaan qaba Corona, si uu xaaladdooda caafimaad ula tacaalo, una daryeelo.

“Annaga gabi ahaanba waan daboolan nahay. Waxaan u egnahay sida dadka cirbixiyeennada ah ee dayaxa taga ay u daboolan yihiin. Laakiin sidaasoo ay tahay kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir badan ayuu ku dhacay xanuunka, sababtoo ah marka ay dharka ay ku qafilan yihiin iska bixiyaan ayey mararka qaar meelo kale oo cudurka uu ku nool yahay taabtaan, sidaas ayeyna ku qaadeen”, ayuu yiri.

Dr Fu’aad ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu dalkiisa Soomaaliya ka caawiyo la dagaallanka cudurkan hase ahaatee aan loo oggoleyn inuu ka baxo Talyaaniga.

Balse wuxuu shacabka Soomaalida kula taliyay inay aad u taxadaraan.

“Waxa kaliya ee aan hadda sameyn karno waa inaan cudurkaan ka hor tagno. Sababtoo ah dawooyinka aan heyno waa ku meel gaar, ma jirto dawo cudurka looga caafimaadayo 100%. Waxaan dadka Soomaalida ah kula talinayaa inay ka hor tagaan intii karaankooda ah. Ha iska ilaaliyaan taabashada dadka, salaanta gacanta. Haddii aan Soomaali nahay waan u barannay inaan gacmaha isku salaanno, hab isa siinno is dhunkanno, laakiin dhammaan waxyaabahaas ha la iska joojiyo, cudurkan halala dagaallamo”, ayuu yiri Dr. Fu’aad.

Waa kuma Dr Fu’aad

.

Dr Fu’aad Caamir dhaktar leh khibrad ku dhawaad 40 sano ah.

Wuxuu ka tirsanaa ciidamadii booliska Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

1973-dii ayuu waxbarashada Caafimaadka ka billaabay waddanka Talyaaniga.

Markii uu soo qalin jabiyay wuxuu dib ugu laabtay Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeeyay muddo saddex sano iyo bar ah.

1986-kii wuxuu mar kale dib ugu laabtay Talyaaniga, si uu takhasus uga sameeyo cilmiga dhakhtarnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here