Intee Ayay Qaadan Kartaa In La Helo Tallaalka Fayraska Corona?

0
321

Dalka Maraykanka ayaa billaabay inuu dad mutadawiciin ah ku tijaabiyo tallaal looga hortagayo fayraska Corona ee ku faafay caalamka.

Afar qof oo bukaan ah ayaa tallaalka tijaabada ah lagu siiyay xarunta cilmi-baarista Kaiser Permanente ee Seattle, Washington, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in bilooyin badan ay qaadaneyso xaqiijinta in tallaalkan ama kuwa kale ee laga shaqeynayo ay waxtar leeyihiin.

Qofka koobaad ee lagu duray tallaalka tijaabada ah ayaa ahayd hooyo 43 jir ah oo ka soo jeeda Seattle.

Khubarada caafimaadka ayaa xoogga saaraya sidii tallaal loogu heli lahaa cudurkan kumannaanka qof ku laayay daafaha adduunka.

Tallaalada caadiga ah ee fayraska cudurrada keena sidan kan jadeecada ayaa laga sameeyaa fayraskaasi oo la wiiqay ama la dilay.

Hase yeeshee tallaalkan tijaabada ah oo lagu magacaabo mRNA-1273 ayaan laga samayn fayraska sababa xanuunka Covid-19.

Taa badelkeeda waxaa ku jira qeyb kamid ah astaanta hide-side laga soo minguuriyay fayraska isla markaana lagu diyaariyay xarun shaybaar.

Waxaa la rajeynayaa in tallaalkan tijaabada ah uu xoojiyo difaaca jirka bani’aadanka si uu ula dagaallamo fayraska keena xanuunka.

Dadka matudawiciinta ah ayaa la siiyay qiyaas kala duwan oo tallaalka tijaabada ah.

Qeybta sare ee muruga garabka ayaa laga durayaa laba jeer oo 28 cisho ay u dhexeyso.

Hase yeeshee, xitaa haddii tijaabadan bilowga ah lagu guulaysto, waxa ay qaadan kartaa ilaa sanad iyo bar in si buuxda ay dadweynaha u helaan tallaalka fayraska Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here