Canada Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Ajaaniib Badan

0
320

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee wadankaasi.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aysan geyn wadankaasi dadka lagu arko calaamadaha cudurka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha.

Mr Trudeau wuxuu ka dhawaajiyay in go’aannada uu dalkiisa qaatay uu ku wargeliyay hogaamiyeyaasha dalalka G7 ee uu iskaashiga kala dhexeeyo.

“Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yiri Trudeau.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in tallaabooyinka ay ka qeybqadaan karaan badbaadinta dad badan.

Waa sidee xaaladda Canada?

324 kiisas oo cudurka Corona ah ayaa Isniintii shalay ahayn laga xaqiijiyay ilaa 10 gobol oo Canada ah, waxaa sidoo kale jiro kiisas kale oo aan la xaqiijin.

Afar qof ayaa Canada ugu geeriyootay xanuunka, dhammaan dadka dhintay waxay kasoo jeedaan gobolka British Columbia.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Trudeau ayaa si iskiis ah isu karantiilay kaddib markii xaaskiisa Sophie laga helay Corona.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Canada ay shacabkeeda dibadaha ku maqan ugu baaqday in dalka ay dib ugu soo laabtaan, dhammaan dadka ku laabanaya dalkaas waxaa laga codsanayay inay isk karantiilaan muddo labo toddobaad ah.

Tallaabooyinka dheeriga ah ay ku dhawaaqday Canada

Tallaabooyinka cusub ee ay shaaca ka qaaday Canada waxay si rasmi ah u dhaqan galayaan Arbacada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Ra’iisul wasaare Trudeau wuxuu sheegay inay jiraan barnaamijo lagu caawinayo dadka u dhashay Canada ee qaaday cudurka balse uusan kasoo shaac bixin si ay ugu soo laabtaan Canada, haddii loo baahdana laga caawin doono heliddda adeegyada asaasiga ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlaha ganacsiga aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin tallaabooyinka xayiraadda dhanka socdaalka ah.

Ra”iisul wasaaraha Canada mar wax laga weydiyay sababta uusan Mareykanka ugu darin dalalka uu ka xirtay xuduudaha ayaa wuxuu sheegay in Mareykanka ay si dhaw iskala shaqeynayaan xakameynta cudurka Corona.

Dalal dhowr ah sida Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku dhawaaqay tallaabooyinkan oo kale.

Mareykanka wuxuu hakiyay duulimaadyadii uga iman jiray dalalka Yurub si looga hortaggo faafidda Corona.

Dhawaan maamulka gobolka Quebec wuxuu amar ku bixiyay in la xiro goobaha ay isugu yimaadaan shacabka sida baararka iyo maqaayadaha, waxaana gobolkaas uu xaqiijiyay 39 kiisas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here