Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taalla Magaalada BurcoKaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa saaka dab qabsadday.
Mar kaliya ayaa bulshadu waxaa ay ku war heshay uuro iyo qiiq cirka isku shareeray, waxaana bilaabantay gurmadka loogu jiro bakhtiintiisa.
Ilaa hada lama oga sababta dhalisay dabkan qabsaday kaalintan shidaal, ee aan ilaa hadda lagu guuleysan bakhtiinta dabkii ka kacay, sidoo kalena weli lama hayo khasaaraha dhabta ah.