Wasiirka Caafimaadka Ingiriiska Oo Laga Helay Cudurka CORONAVIRUSlll

0
332

Wasiirka Caafimaadka Ingiriiska Oo Laga Helay Cudurka CORONAVIRUS

Dalka Talyaaniga waxaa Salaasadii laga diiwaangeliyay tiradi ugu badneyd ee ugu dhimata cudurka coronavirus, halka magaalada New York ee dalkaan Mareykanka la geeyay ciidanka ilaalada qaranka si loo xakameeyo faafiska cudurkaan oo argagax ku abuuray dhamaan caalamnka.

Dalka ugu daran dhanka Yurub ee uu xanuunkaan haleelay oo ah Talyaaniga, salaasadii dhimashada ayaa gaadhay guud ahaan waddanka illaa iyo 631 qof.

Dalka Ingiriiska, wasiirka caafimaadka, haweeneyda la yidhaahdo Nadine Dorries ayaa sheegtay inuu cudurka Coronovirus ku dhacay, isla markaana ay isku karantiishay hoygeeda. Magaalada New York ee dalkaan Mareykanka ilaa iyo 173 kiis ayaa la xaqiijiyay. Guud ahaan Mareykanka ku dhawaad kun qof ayaa la soo wariyay inuu cudurka ku dhacay.

Shiinaha ayaa wali ah dalka ugu daran ee uu xanuunka aafeeyay. Waxaa illaa iyo hadda ugu dhintay dalkaasi in ka badan 3 kun oo qof halka uu soo riday dad gaadhaya 80 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here