‘Magaalada Toogashada’ Ee U Qaybsan Labada Qaybood

0
326

Magaalada Tacis ee koofurta dalka Yeman ayaa hoy u noqotay mid ka mid ah dagaallada sokeeye, kuwooda ugu muddada dheer. Waxaa loo yaqaannaa ‘magaaladii toogashada’, Tacis oo u kala qaybsan labo qaybood oo ay kala haystaan fallaagada Xuutiyiinta iyo xoogagga daacadda u ah dowladda ayaa hadda ku jirta xaalad go’doon ah.

Weerarrada cirka ee Sucuudiga ayaa halkaa ku socdey tan iyo markii uu bilowday dagaalkaasi sanadkii 2015-kii, dadka reer Tacis-na waxaa ay sheegeen tan iyo markaa in ay dareemayaan in la hilmaamay.

Magaaladu waxa ay u kala qaybsan tahay labo dhinac, oo ay kala maamulaan Xuutiyiinta iyo dowladda. Waxaana u dhexeeya gidaar gabbaad uga ah, dhinacba dhanka xiga, waxaa ay u yaqaannaan ‘furinta dagaalka’.

.

BBC-da ayaa fursad u heshay in ay aragto sida ay u egtahay nolasha dadka ku nool dhinaca ay dowladdu maamusho magaaladan kala qaybsan ee Tacis. Markasta khatar ayay ahayd, sida ay sheegeen saxafiyiintii goobtaasi gaadhay.

Muuqaallo kor lagaga qabtay magaaladaas ayaa muujinaya, khadka u dhexeeya ee ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, taas oo ah waddada halbowlaha u ah magaalada ee dhex marta.

Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya waddada laga soo galo iyo tan looga baxo magaalada. Qofka raba inuu u safro koonfurta magaaladan waxa ay ku qaadan jirtey shan daqiiqo markii hre, hadda se waxay ku qaadanaysaa muddo ku dhaw shan saac illaa lix saac. Waddooyinka ku yaal lama odhan karo waa waddooyin, waxaa ka buuxa qashin, gawaadhi gubtay ama la nacay, meel kastana waxaa taal isbaaro ama bar koontarool. Qofka dhexmarayaana halis ayuu ugu jiraa inay toogtaan cid uusan garanaynin.

.

Gabadh ka mid ah dadka ku nool waxay noo sheegtay, in halkan haba yaraatee wax nolol la odhan karaa aysan ka suuroobin, waxay sheegtay in hablaha badankoodu waxbarashadii joojiyeen. Sidoo kale dadka bukaanka ahi aysan gaadhi karin cusbitaallada, maadaama magaaladu kala xidhan tahay.

Xuutiyiintu waxay magaaladan maamulayeen badankeeda tan iyo 2014. Halka dawladda oo ay taageeraan isbahaysiga Sucuudigu, oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo UK ay si adag u duqeeyaan magaaladan.

Marwaan, oo BBC-da la hadlay, waxa uu na tusay gurigiisii oo gebi ahaanba burburay. Waxaana halkaasi ku dhintay toban qof oo ka mid ah qoyskiisa. Waxa uu sidoo kale noo sheegay in meydka qoyskiisan markii la duqeeyey ay ku qaadatay, muddo ku dhow lix maalmood inuu helo meydkooda.

Dadka dhibta ka soo gaadhay duqaymahan waxay sheegeen inaysan jirin cid dib u soo eegtay, oo qiratay masuuliyadda waxa ay halkan ka geysteen.

Tacis waa magaalo qaybsan maanta, waana sawir waadax ah oo caddaynaya in halkani tahay goob dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here