Isku-shaandhayn Miiska U Saaran Madaxweyne Muuse Biixi
Waxa si weyn loogu dhegtaagayaa isku shaandhayn xoogleh oo uu madaxweyne Muuse Biixi boodhka kaga jafayo Golihiisa Xukuumadda taasi oo saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay islamarkaana fadhiga ka kicisay Masuuliyiin badan oo ka cabsi qaba inay saamayn ku yeelato.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Biixi qorshaynayo inuu isku shaandhayn baaxadleh uu ku sameeyo Golihii Xukuumadda, waxaana arintan si weyn looga dareemayaa Golayaasha Xukuumadda oo saacidihii lasoo dhaafay iska warsanaya goobaha iyo shaqsiyaadka illaa hadda la ogaaday inay seeftu la kacayso ama masuuliyiinta ay saamaynayso isku shaandhayntani.
Dhinaca kale, waxay arintani fadhiga ka kicisay masuuliyiin badan oo Xukuumadda ka mid ah kuwaasi oo aad uga cabsi qaba inay seefto qaadato, ama uu Madaxweynuhu xilka ka qaado, waxaanay qaarkood guclo orod ugu jiraan inay wax kasii ogaadaan xogta ku duugan isku shaandhayntan. Inkasta oo ay aad u adag tahay in xog laga helo haddana waxa Shallay illaa Xalay suuqa siyaasadda soo galay magacyada wasiiro iyo Agaasimayaal la saadaalinayo inay isku shaadhayntan kujiraan.
Madaxweyne Biixi oo hadda Xilka hayay muddo laba sanno iyo badh ku dhaw islamarkaana kala badh ka dhigaysa Wakhtiga la doortay inuu Xilka hayo ayaa waxa uu aad uga duwan yahay Madaxweyneyaashii ka horeeyay sababo la xidhiidha qaabab uu isku shaandhaynta u sameeyo oo aanu taaban masuuliyiinta xilka shilis haya ama la iskugu tiriyo hayb ahaan.
Waxa sidoo kale aad loo saadaalinayaa inuu Madaxweynuhu doorkan masuuliyiin culus ku soo daro Xukuumaddiisa, islamarkaana uu rag ay saaxiib dhaw yihiin shaqada ka caydhiyo. Iyadoo sidoo kale aad loo hadal hayo in isku shaandhaytani ay saamayso wasiiro iyo Agaasimayaal door ah.
Dad badani waxa ay in badan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaan kuwo fadhiid ah oo waxqabadkii umaddu ka sugaysay laga waayay taasi oo marar badan dadka siyaasadda Madaxweynaha dhaliilaa ku eedeeyaan in cugashadiisa dadka uu xilalka sare u xulanayaa aad u liidato taasi oo keenta saluugga shacabku ka qabo waxqabadka xukuumaddiisa.
Isku soo wada duuboo lama oga wakhtiga uu rasmi ahaa shaacin doono liiska isku shaan-dhaynta balse saacadihii ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayay iyada oo ilo xog ogaal ahi wargeyska Foore u xaqiijiyeen tallaabadan Madaxweynuhu ku damacsan yahay in uu ku kala hufo kuna kala haadiyo xubno badan oo xilalka xukuumaddiisa ugu sarreeya ah.