XOG:Hirdanka Loogu Jiro Xisbiga KULMIYE Oo Sababay Inuu Khilaaf Ka Dhex Qarxo Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Maxamed Kaahin,

0
335

Hirdanka Loogu Jiro Hanashada Hogaanka Xisbiga KULMIYE Ayaa Maraysa Meel Xaasasiya, Taas Oo Sababtay Inay Kala Dhaqaaqan Saaxiibo Dhanka Siyaasada Muda Dheer Rafiiq Ku Ahaa,

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Garwaaqsaday In La Gaadhay Wakhtigii Uu Mad-madowga Kasaari Lahaa Hankiisa Murashaxnimo Ee Xisbiga KULMIYE,

Sidoo Kale Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dhabar Taabasho Dhanka Xisbiga Ah Ka Filaayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Ku Hungoobay Inuu Madaxweyne Biixi Ku Qanciyo Hankiisa Murashaxnimo.Taas Oo Sababtay Inuu Khilaf Ka Dhex Qarxo Madaxweyne Biixi Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha

Khilaafkan Ayaa Sababay In Wasiir Maxamed Kaahin Todobaadkani Kasoo Xaadirin Shaqada Inkasta Oo Warar Kale Oo Aanu Helayna Tilmaamen In Wasiirku Todobaadkani Wasaarada Yimi Balse Aanu Ku Badnayd
Madaxweyne Biixi Ayaa La Filaya Inuu Todobaadkani La Kulmo Hogaanka Sare Ee Xisbiga Si Uu Ugala Hadlo Tartanka Loogu Jiro Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,

Axmed Cabdi Dheere Oo Isagu Wasiir Maxamed Kaahin Garab Ku Siinaya Inuu Hanto Xisbiga Ayaa Kulan La Qaatay Haween Weynaha Xisbigaasi,Waxaana Magaalada Hargeisa Garabyada Kala Duwan Ee Xisbiga Uga Socda Shir Doceedyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here