Xukuumadda Somaliland oo si Adag ugu Jawaabtay James Swan

0
340

Xukuumadda Somaliland oo si Adag ugu Jawaabtay James Swan

Xukuumadda JSL ayaa cambaareysay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada MidoobayJames Swan oo sheegay inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa galabta soo saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, war-saxaafadeedkaas oo soo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu u qornaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahaywarmurtiyeedkii uu dhawaansoo saarayWakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshahageddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanayaxaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qarammada Middoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaawar-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobayoo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyeyxornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisuxushmad darro ku yahayhannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii aysameynaysay tan iyoxiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.

Somaliland waxayguulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystayoo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ayxilka iskugu wareejiyeen.”

War-saxaafadeedka Xukuumadda Somaliland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qaaday dastuurka JSL sannadkii 2001dii, isla markaana shacbigaSomaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladooda, iyadoo Qarammada midoobay oo Somaliland xidhiidh la laheyd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay siwanaagsan uga war-qabto arrimahaas.

Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahaywaajibaadkii ay aheyd inay Qarammada midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland waxakaloo lagu bayaamiyey insiyaasadeynta iyo farogelinta Wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay aywaxyeelidoonto himiladii laga qabaydib u bilaabista wadahadaladabeesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyoSoomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba waddan cilaaqaadkooda mustaqbalka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta ooihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somalilandkala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada.”

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here