Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabad Ah Ku Lalaalay Kootadii Shirkadda Somcable Loogu Xidhay Xadhiga Internetka Ee Viber Optic-ga

0
310
Xildhibaannada golaha wakillada Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 20 mudaneoo ku saabsan wax ka badalka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee shirkada Somcable.

68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka badalka xeerkaasi halka xildhibaan kaliyana ka diiday guddoomiyuhuna aanu codeyn, xeerkuna sidaa ayuu ku dhaqan galay.

Wax-ka-badalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal-gashiga Somaliland.

Si gaar ah Xildhibaannada beesha Habar Awal oo saaka xaadir ku wada ahaa fadhiga golaha wakiillada ayaa hal daba la’a ugu coddeeyay in la laalo xeerkan shirkadda Somcable kootada ugu xidhay xadhiga internetka ee Viber Optic-ga.

Shirkaddo badan ayaa la filayaa inay dalka keeni doonaan xadhiga internetka ee Viber Optic-ga maadaama oo meesha laga saaray kootadii ay golaha wakiillada Somaliland ugu xidheen shirkadda Somcaple.

Shacabka reer Somaliland ayaa baahi weyn u qabay inay helaan internet xawaarihiisu sarrreeyo si ay ula jaan-qaadaan dunida.

Madax ka tirsan xisbiyadda mucaaridka ah iyo siyaasi xilala kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland, Aqoonyahanno, xildhibaanno ka kala tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida ayaa hore si weyn ugu dhaliili jiray xeerka kootada ugu xidhay shirka Somcaple xadhiga dhulka hoostiisa mara ee Viber Optic-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here