Askari Dad Ku Laayey Thailand Oo La Dilay

0
371

Askarigi dadka badan ku laayey magaalada Nakhon Ratcha-sima ee dalka Thailand ayaa la sheegay in la dilay.

Askarigan oo lagu magacaabo Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof ayaa hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xera militari.

Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, haddana waxay wasaaradda gaashaandhiggu ku tilmaamtay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro.

Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinaya ciddamada ammaanka talaabada ay ka qaaden magaalada waqoyiga dalkaasi ku taala.

”waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax toogtayna waa la toogtay!!!” ayuu yiri wasiirka.

Saraakisha ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hadda taagantahay 20, halka tirada dhawacana ay tahay 42.

”tirada dhimashada ee dadka hdda waa 20 iyo 42 dhawac ah, 21 kamid ah dhawacaasi weli cisbitaalak ayay ku jiraan halka 21 kalena la dabiibay kadibna guryahooda loo fasaxay,” Narinrat Phitchayakhamin,madaxa cisbitaalka gobololka ayaa sidaasi sheegay.

Si kastaba waxaa la aminsayahay in tirada dhimashada ay sare u sii kacdo

Maxaa ka dhacay xaruunta laga dukaameysto?

Waxyar ka hor 03:00 galabnimo (20:00 GMT xilliga geeska afrika Saturday) rasaas ayaa alaga maqalay xaruunta dukaameysiga iyadoo booliskana ay dhismahaasi weerareen si ay meesha ugu saaran ninka weeraraka soo qaaday.

Mid kamid ah ciddamada ammanka ayaa islamarkiiba meesha lagu dlay halka labo kalena la dhawacay.

Booliska oo dadka kasoo saaraya xaruunta

Dhowr qof ayaa laga soo saaray xarunta, laakiin waxaa jiray walaac ah in dad badan la qafaashay.

Sacaddu marka ay ahayd 09:30 (02:30 xilliga geeska afrika GMT) ee axada, Booliska ayaa xaqiijiyay in ninka hubeysan la toogtay, laakiin ilaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sida howlgalka uu ku soo gabagaboway.

Warar hore ayaa sheegayay in ninka weerarka soo qaaday, oo da’diisu ahayd 32, uu isku dayay inuu goobta weerarka uu ka geystay uu ka baxsado.

Waxaa goobta weerarku ka dhacay la keenay hoyada dhashay ninka dadka badan ku toogtay suuqa si ay isugu daydo inay wilkeeda ku qanciso si uu isu soo dhiibo.

Dadka suuqa laga soo badbadiyay

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa BBC-Thai u sheegay in Jakraphanth Thomma uu weeraray taliyihiisa ka hor inta uusan toogasho ka fulinin xero milatari, Macbad Budista ah iyo xarun laga dukaameysto.

Illaa haatan ma cadda u jeeddada ka dambeeysa weerarka balse askariga weerarka fuliyay ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku baahiyay xilliga weerarka iyadoo bartiisa Facebook-na uu soo dhigay codsi ah inuu isa soo dhiibi karo iyo in kale.

Mar hore ayuu soo dhigay sawir bastoolad iyo saddex qasnadood oo rasaas ah, waxaa sidoo kale uu cod ahaan ku yiri: ”Waa xilligii la farxi lahaa.”

Bartii uu kulaa Facebook ayaa haatan la xidhay.

Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in taliyaha la dilay ahaa Kornayl Anatharot Krasae iyo in dadka la dilay ay ku jirto haweewayn 63 jir ah.

Af-hayeen u hadashay Ra’isal Wasaare Prayuth Chan-ocha ayaa sheegtay in uu xaaladda aad ula socdo oo waxaanu tacsi u diray qoysaska dadkaa la laayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here