Walaac Laga Muujiyey Burburinta Goobaha Taariikhiga Ah Ee Somaliland.

0
540

Qaar ka mid ah aqoonyahannada Somaliland ayaa walaac ka muujiyey burburinta waxyaabaha aataarta qadiimka ah.

Aqoonyahanka ayaa ku tiliyey in si guud loo ilaaliyo meelaha iyo waxyaabaha taariikhiga ah ee dalku leeyahay oo haatan qaybo ka mid ah la burburinayo.

Muxiyadiin Cabdi Shiil oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ayaa ka hadlay masiijidka Kuweydiga oo ku yaalla xaafadda Hawl-wadaag ee magaaladda Hargeysa oo haatan dayac-tir lagu wado.

Aqoonyahankan ayaa xukuumad iyo shicib ugu baaqay in la ilaaliyo waxyaabaha iyo meelaha taariikhiga ah ee dalka ku yaalla, isla markaana waxa uu soo jeediyey in dayactir lagu sameeyo goobaha.

Kuweydiga oo ka mid ah goobaha dhismeyaasha taariikhda faca weyn leh ee ku yaalla Somaliland, ayaa waxa dhistay haweenay u dhalatay dalka Kuweyt muddo laga joogo 41 sanno.

Masaajidkan ayaa buirbur badani soo gaadhay, maadaama aan la dayactirin taniyo waqtigii la dhisay masaajidkan, balse imika waxa socda dayac-tir lagu samaynayo masaajidkaasi. Iyadoo gebi ahaanba la burburiyey dhismihii hore sida ay sheegeen Guddida loo saaray dacatirka masjaidka oo baaq ku wajahan dhaqaalaha lagu dayactirayo masjidkaasi u diray bulshada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here