Gabadh Ku Dhalatay Iyadoo Aan Lahayn Dareenka wax urinta: ‘Ma Ogi Sida Ay Cuntada U Dhadhanto’

0
388

Waxaa laga yaabaa in dhammaanteen aan leenahay nooc caraf ah oo aan jecel nahay – tusaale ahaan mid ku saabsan xasuus gaar ah ama qof aad ku taqaanno caraftaas, ama xitaa aad ku fahmeysid marka uu soo socdo saxan cunto ah oo fiican.

Gabriella Sanders waligeed ma yeelanin dareenka wax lagu uriyo – arrintaasina sankeeda oo kaliya ma sameyso.

“Ma garanayo sida ay cuntada u dhadhanto. Ma dareemi karo cabitaannada kulul, kuwa macaan ama basbaaska leh”, ayey tiri gabadhan 22 jirka ah oo la hadleysay BBC-da.

Ma aha cillad qof walba uu qabo, balse qiyaastii 5% ka mid ah dadweynaha ayaa qaba cudurka wax urin la’aanta.

Hase ahaatee in qofku uusan dareenka noocan ah yeelanin waxay saameyn ku yeelan kartaa noloshiisa, sida lagu sheegay daraasad cusub oo ay soo saartay jaamacadda East Anglia.

“Waligey iima suurtagalin inaan wax uriyo. Waa arrin layaab leh, sababtoo ah ma jiro qof qoyskeyga ka tirsan oo abid waxaasoo kale ay ku dhaceen – waa aniga iyo walaashey kaliya – marka waxay u badan tahay inay ku saabsan tahay jinsiyad”, ayey tiri Gabriella.

Sideed ku ogaatay inaysan waxba kuu ureynin?

Gabriella waxay xasuusataa “mar ay dareentay cidlo” xilli ay munaasabad ka socotay iskuulkeeda iyadoo aad u da’ yar.

“Waxay ku saabsaneyn dhinaca dareenka qof walbana wuxuu ka hadlayay sida ay wax u carfayaan.

“Xilligaas ayey ahayd markii aan ogaaday inaysan waxba ii ureynin ama ii carfeynin. Qof walba wuxuu bixinayay tusaale laakiin aniga wax fikrad ah kama heysanin arrinta socotay”, ayey tiri.

Halis walwal leh

Gabriella waxay ka cabsan jirtay inay halis kala kulanto waxyaabo khatar galin kara nafteeda, oo aysan dareemin inay urayaan, sida gaaska cuntada lagu kariyo.

Gaaska dabka loo adeegsado ayaa badanaa urkiisa la dareema marka uu halis dhalin rabo, horayna waxaa uga dhashay khasaare aad u weyn oo ku yimid “dad dareenkiisa aan fahmin”, sida uu sheegay Barfasoor Carl Philpott, oo cilmi baare ka ah daraasad laga soo saaray Imaaraadka Carabta.

Gabriella qudheeda way la kulantay wax sidaas u dhow.

“Waxaan xasuustaa mar aan cunto guriga ku karinayay. Hooyadey ahaa timid waxayna ii sheegtay in guriga oo dhan uu ka urayay gaaska cuntada lagu kariyo. Marka arrintaas ayaan aad uga walwalay”, ayey tiri.

“Aniga iyo waalidiinteyda wxaan isla sameynay erayo afgarasho ah oo aan ugu talagalnay inaan ku garto waxyaabaha la xiriira nadaafaddeyda”.

“Sidaas darteed haddii aan qof saaxiib ah guriga la imaado, oo aan jir ahaan u shiirayo, waalidkeyga waxay ii adeegsan jireen erayada afgarashada ah, si islamarkiiba aan xal u helo”.

Hadda Gabriella waxay xirfaddeeda ka dhigatay ciyaaraha qoob ka ciyaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here