Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shirweynaha nafaqada hooyadda iyo dhalaanka oo sanadkiiba mar lagu qabto Somaliland.

Shirweynahan oo ay xubno ka yihiin Wasaaradaha Waxbarashadda & sayniska, iyo horumarinta Caafimaadka ayaa lagaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo daryeelka heerka nafaqo ee dhalaanka Somaliland.