Haweenayda Afrika Ugu Taajirsan “Waxay Diiratay” Dalkeeda Hooyo

0
451

Dukumiintiyo la soo dusiyay ayaa muujinaya sida haweeneeyda Afrika ugu hodansan ay ku macaashtay iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadka dalkeeda si muqusuqmaasuq ah.

Isabel dos Santos ayay u suurogashay iney gasho heshiisyo ganacsi oo ay ka mid ahaayeen, dhul, shidaal, dheeyman iyo isgaarsiinta markii uu aabeheed madaxweyne ka ahaa dalkaasi Angola oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in iyada iyo seeygeeda loo ogolaadaay iney iibsadaan hantida maguuraanka ah ee qaranka, kuwaasi oo lagu siiyay heshiisyo shaki ku gedaaman yahay.

Ms Dos Santos ayaa sheegeysa in edeymahaasi ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana ay dowladda Angola siyaasadeeysay.

Gabadha madaxweyenihii hore ayaa deegaan ka dhigatay UK halkaas oo ay ka iibsatay guryo qaali ah.

Waxay haatan wajahaysaa baaritaano ay ku hayso dowladda Angola oo ku saabsan musuq-maasuq. waxaa sidoo kale dhulka lagu daray hantideedii taalay gudaha dalka.

Haatan barnaamijka BBC-da ka baxa ee Panorama ayaa helay dukumiintiyo ka badan 700,000 oo lasoo dusiyay, kuwaasi oo ku saabsan ganacsiyada haweeneydan bilyan dheerka ah.

Waxaa baaritaan ku sameeyay 37 warbaahin oo ay ka mid yihiin Guardian iyo wargeyska Expresso ee ka soo baxa dalka Portugal.

Saliidda

Waa mid ka mid ah heshiisyada aad looga shakinsan yahay kaasi oo laga maamulayay UK. Waxaa ganacsigaan loo maray shirkadda saliida qaranka ee Sonangol.

Ms Dos Santos ayaa maamuleysay shirkadda Sonangol 2016-kii, waxaa jagadaasi u magacaabay aabeheed Jose Eduardo dos Santos, oo dalkaasi madax ka ahaa 38 sannadood.

Balse durbadiiba khatar ayaa soo wajahday markii uu aabeheed baneeyay booska madaxweynaha bishii Sabteembar ee sanadkii 2017-kii inkastoo ninka isaga baddalay ay isku xisbi ahaayeen. Dos Santos ayaa laba bilood ka dib laga eryay shaqada waxayna tallaabdaasi la yaab ku noqotay dad badan oo reer Angoola ah.

Buildings along the Marginal promenade called avenida 4 de fevereiro, Luanda

Getty Images
Angola in numbers

  • 29 millionpopulation
  • 27-yearcivil war, fought from independence to 2002
  • $4,170average income, but this masks big disparities
  • 30%of population live in poverty – less than $1.90/day
  • 2ndbiggest oil producer in Africa. Also major diamond producer

Source: World Bank, Opec

Dukumiintiyada la soo dusiyay ayaa muujinaya markii ay ka tagtay shirkadda Sonangol, in ay saxiixday $58 milyan oo doolar oo la siiyay shirkad ku taalla magaalada Dubai oo bixisa adeegyada la talinta oo lagu magacaabo Matter Business Solutions.

Waxay sheegeysaa ineysan haysan dhibaato dhanka dhanka kharashaadka ah balse dukumiintiyada ayaa daaha ka qaaday in shirkaddaasi uu lahaa maamulaha ganacsigeeda.

BBC Panorama ayaa ogaatay in ilaa 50 warqadood oo ay lacaga ku saxiixan yihiin loo diray Sonangolta London maalintii shaqada laga eryay.

Qareenada shirkadda Matter Business Solutions ayaa sheegay in loogu yeeray iney gacan ka geystaan dib u habeynta shirkadda sidaasi darteedna ay lacagahaasi horey loogu saxiixay.

Dhanka kale qareenada Dos Santos sheegay in ficilladeeda la xiriira lacagaha ay u saxiixday shirkadda ay gabi ahaanba ahaayeen kuwa sharciga waafaqsan.

Isabel dos Santos

BBC Panaroma ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday faah-faahin cusub oo la xirrirta heshiisyo ganacsi oo ay la gashay shirkadda tamarta ee Galp.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in shirkadda boqolkiiba 15 oo kaliya ay bixineysay qiimaha shidaalka inta hartayna deen aan korsaar lahayn lagu siineyay shirkadda iyadoona 11 sannadood la bixinin deemahaasi.

La xiriirinta Dheymanka

Seeyga Dos Santos, Sindika Dokolo, ayaa sannadkii 2012-kii heshiis hal dhinac ah la saxeexday shirkadda shirkadda dheymanka dalkaasi ee Sodiam.

Waxay ahayd in heshiis 50-50 ah la saxiixdo shirkadda laga leeyahay Swiss ee De Grisogono. Balse waxaa maalgelisay shirkadda qaranka.

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in 18 bilood ka dib markii la saxiixay heshiiska ay shirkadda Sodiam soo bandhigtay $79 milyan oo saami ah, taasi oo uu Mr Dokolo ku lahaa afar milyan oo doolar. Shirkadda ayaa sidoo kale Dokolo ku abaal marisay €5 milyan hawshii uu u fududeeyay ee uu dalaalka ka noqday.

 

Waa tuma Isabel dos Santos?

  • Waa curadda madaxaweynihii hore Angola Jose Eduardo dos Santos
  • Waxaa guursatay ganacsade Sindika Dokolo
  • Waxay wax ku baratay UK, halkaas oo ay haatan ku nooshahay
  • Waxaa la sheegey iney tahay haweeneyda ugu taajirsan qaaradda Afrika, iyadoo haysta lacag dhan $2bn
  • Waxay saamiyo ku leedahay shirkado saliid iyo kuwa teleefoonada oo intooda badan ku yaalla Angola iyo Portugal

Dhulka

Dukumiintiyada la soo dusiyay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida Dos Santos ay ka iibsatay dhulka dowladda sannadkii 2017-kii. Marlabaad ayay sameysay iney bixiso lacag yar oo hormaris ah.

Shirkaddeeda ayaa meel xeebta magaalada Luanda u dhaw ka iibsatay dhul gaaraya hal kilomitir oo isku wareeg ah kaasi oo uu saxiixay aabeheed.

Image captionShirkadda shidaalka Angola ee Sonangol

Qandaraaska ayaa muujinaya in dhulkaasi uu qiimihiisu gaaraya $96milyan, balse dukumumiintiyada ayaa muujinaya in boqolkiiba shan ay shirkadda bixisay.

Shirkadaha isgaarsiinta

Haweeneyda bilyan dheerta ah ayaa sidoo kale ka faa’iidday shirkadaha isgaarsiinta dalka Angola.

Saami 25% ah ayay ku leedahay shirkadda ugu weyn teleefoonada dalkaasi ee Unitel. Aabeheed ayaa siiyay shatiga isgaarsiinta sannadkii 1999-kii.

Unitel ayaa iyada siisay lacag dhan 1 bilyan oo doolar oo faa’iido ah, balse waxaa jira siyaabooyin kale oo ay shirkadda lacag kaga heshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here