Koox budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa ganacsatada halkaas kunool, iyadoona mid kale lagu dhaawacay.
Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Badhtamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town, iyadoona muwaadinka ay dhowr xabadood ay ku dhufteen rag hubeysnaa, isagoon goobta ku geeriyooday.
Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo kamid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi.
Dhinaca kale budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa isla xalay Magaalada Cape Town fal dhaawac ugu geystay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, kaasi oo kamid ah ganacasatada kunool Magaalada.
Qaar kamid ah ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Mustaf falka kadib loola cararay goob Caafimaad oo ku taalla halkaas, isagoona haatan halkaas lagu dabiibayo.