Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay Oo Xanibtay Qaar Kamida Qaxoontiga Somalida Ee Kunool Dalka YEMEN

0
319

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay Oo Xanibtay Qaar Kamida Qaxoontiga Somalida Ee Kunool Dalka YEMEN

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa xanibtay Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo looga soo horjeedo takoorka qaxootiga Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Sanca, ee Caasimadda Yemen.

Hay’adda UNHCR ayaa weydiisatay mas’uuliyiinta xuutiyiinta inay soo xiraan Abdulkader Ahmed Hassan, oo ah hoggaamiye bulsho iyo u dhaqdhaqaaqe xuquuqda boqolaal qaxooti ah bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Daraasiin haween iyo caruur ah oo ku nool Sana’a ayaa si nabad ahku soo bandhigay in la wanaajiyo xaaladahooda adag iyo in la joojiyo dhamaan noocyada takoorida ee ay sameysay Hay’ada.

Si kastaba ha noqotee, shaqaalaha UN-ka iyo la hawlgalayaasheeda ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmaan qaxootiga iyagoo xirxiraya, xannibaya kiisaskooda dib-u-dejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here