Guddoomiye Cirro Oo Iscasilaad Ka Aqbalay Amp Safiina (SLT-Hargeysa)-Maanta waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ka aqbalay warqaddii is casilaadda ahayd ee uu shalay u soo gudbiyey Amb Axmed Safiina, xilkiina waxa uu ku wareejiyey Xafiiska Guddoomiyaha. Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu waxa uu rejeynayaa Mudane Safiina in Ilaahay ku garab-galo musqtaqbalkiisa siyaasadeed iyo dedaalkiisa aqoon korodhsi.

0
337

Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa saacadihii U Danbeeyay Loo Jeedinayay Dhaleecayn Ka dib markii ay dhimatay Gabadh Yar oo Loo Waayay Haanta Naqaska.

Qoraal ay barteeda Facebook Ku Baahisay Khadra Halgan oo Goog u ahayd Dhacdadan ayaa Tidhi ”

Isbitaalka guud ee Hargaysa hadii aanay oxygen oolin miyaa la iska xidho maxaa dadka loogu lu’goynayaa. Maanta duhurkii ayaannu ilmo yar oo laba sano jirta oo walaalkay dhalay aannu gaynay ma aaminaysaa ilmahaa yar oxygen baannu uga waynay cusbitaalka wayn oo waxa ay yidhaahdeen 4xabo ayaa yaala oo la idinma siinayee magaalada ka doonta. Markii dambe haantii oo madhan ayay $100 oo damaanad ah naga dhigeen Intii aannu ku maqnayn oxygentii kale ee aannu buurta kalajeexan ka doonay ayay inantii yarayd naftu kasii baxday

Inkastoo aan la oollin karin naf baxaysa hadana cusbitaalka guud ee caasimadda dayac baa yaala.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here